CIID MUBAARAK



 

      

MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Jinacsani

Jinacsani(Cakaaranews) Axad, 7da May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada jinacsani ee deegaanka oromiya. Ujeedada socdaalka waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa qayb ka ahayd sidii loo dhaadhicinlahaa hirgalinta heshiiska hore looga gaadhay khilaafkii xuduuda u dhaxaysa labada shacab ee dawlada deegaanka somaalida iyo dawlad deegaanka oromiya

Hadaba  waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa kulan balaadhan la qaateen mas’uuliyiin ka socotay deegaanka oromiya oo uu hogaaminayo hogaanka nabadgalyada deegaanka oromiya mudane Dambalash iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jinacsani iyo nawaaxigeeda. Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in ujeedada kulankani yahay sidii looga hirgalinlahaa qaybaha kala duwan ee bulshada fahan buuxana looga siinlahaa adkaynta heshiiskii ay dhawaan gaadheen labada dawlad deegaan. Wuxuuna madaxwaynaha DDSI  tilmaamay in labada shacab ay yihiin kuwo walaalo ah oo aan marnaba kala maarmikarin sidaasi darteena tahay in la sii xoojiyo nabad kuwada nool laanshaha labada shacab 

Dhankiisa waxaa ka hadlay kulankaasi hogaanka nabadgalyada ee deegaanka oromiya oo wakiil ka ah madaxwaynaha deegaanka oromiya kaas oo sheegay in ay maanta tahay maalin taariikhiya oo la hirgaliyay dhaadhicinta heshiiskii ay gaadheen labada deegaan shacabka labada deegaana yahay kuwo walaalo ah islamarkaana loo baahanyahay in si walaaltinmo ah loo wada noo laado lana xoojiyo heshiiskii nabadeed ee dhexmaray labada deegaan.

Sidoo kale  Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jinacsani iyo nawaaxigeeda ayaa iyana si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiintan maanta soo gaadhay iyo heshiiska ay gaadheen labada deegaan waxayna balan qaadeen in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan heshiiska dhaxalgalka ah.