Ku Xigeenka Guud Ee hay’ada UNICEF Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 10ka May, 2017. Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil-waal ee magaalada jigjiga masuuliyiin sare oo uu hogaaminayo ku xigeenka guud ee hay’ada UNICEF mudane Dr Cumar Cabdi  oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu saraysa hay’ada UNICEF dalkeena itoobiya.

Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin la taliyaha madaxwayne DDSI ee dhinaca bini-aadanimada iyo xidhiidhka hay’adaha ahna wasiir ku xigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan ismaaciil cali, wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad, wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane jamaal faarax warmooge, wasiir ku xigeenka ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar  iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintan sare ee ka socda hay’ada UNICEF ayaa waxa ay ujeedada socdaalkoodu tahay in ay u kuurgalaan xaaladaha abaarta ee saameeyay qaarka mid ah degmooyinka deegaanka iyo in ay sii xoojiyaan taageerada ay gaadhsiinayaan bulshada abaaruhu saameeyeen. Waxayna inta ay joogaan kulamo la yeelandoonaan masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI.