Ramadan Kariim 



 

      

Degmada Goorobaqasa Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Adeegii Daawaynta iyo Qaliinka Indhaha

Gorabaqaqsa(cakaaranews)Jumce 12ka May 2017. Waxaa Xarunta caafimaadka ee dagmada Goorabaqasa ee Gobolka Liibaan lagu soo gabagabeeyay daawayntii iyo qalintaankii indhaha ee baryahanba kasocotay degmadaas islamarkaana looga faaiidaynayay bulshada kudhaqan degmooyinka guradhaamoole, goorobaqasa iyo nawaaxigeeda iyadoo 915 xubnood loo fidiyay daawooyin, qalitaan iyo waliba muraayadaha indhaha islamarkaana xubno kabadan 200 oo xubnood oo indhola’aan ahaa aragoodi u soonoqday

Hadaba, agaasinka kahortaga indho la’aanta ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Axmed Bade Ducaale oo kahadlay xidhitaankii daawayntan iyo qalitaanka indhaha ayaa sheegay in sifiican oo heer sare ah ay oo gabagabooday islamarkaana looga faaiideeyay xubno kor udhaafaya 915 xubnood kuwaasoo loo sameeyay daawayn, qalitaan iyo waliba qaar lasiiyay muraayadaha indhaha.

Dhankooda maamulka degmada oo kahadlay daawayntan iyo qalitaankan indhaha ee loosameeyay bulshada ayaa sheegay in sifiican oo hagar la’aan ah loo fuliyay nidaamkii daawaynta iyo qalitaanka indhaha. Waxayna xuseen in dad farabadan oo indo la’aan ahaa ay manta indhahooda wax ku arayaan. Waxayna mahad celin u soo jeediyeen xukuumada DDSI  ee samaysay kooxdan daawaynta indhaha ee wareegta.

Ugudanbayna, qaar kamid ah bulshadii la daaweeyay ama qalitaanka indhaha loo sameeyay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aysan maraba soo koobi karain farxadooda maanta maadaama oo ay dib u heleen aragoodii indhaha oo aysan sanado badan haysanin.