Shahaado Sharaf Lagu Abaalmariyay Maamulaha Dugsiga Wiil-Waal

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 15ka May 2017. Shir balaadhan oo ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI, wasiirkuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI, agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI, maamulayaasha iyo kormeerayaasha dugsiyada maamulka magaalada jigjiga islamarkaana lagu abaalmarinayay maamulaha iyo hawlwadeenada dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, Shirkan ayaa waxaa ugu horayn furay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay abaalmarin lagu abaalmarinayo maamulaha dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga kadib markii maamulka dugsigu uu isbadal horumarineed oo balaadhan kamuujiyay geedisocodka baris barasho, iyadoo qiimayno, kormeero iyo dabagal balaadhan lagu sameeyay dhamaan dugsiyada maamulka magaalada jigjiga,

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kormeeradan ay kamid ahaayeen gudigii golaha xildhibaanada heer federal ee qiimaynayay dugsiyada Islamarkaana sida xafiiska si lamid ah ay aad ugu riyaaqeen nidaamka ama habka maaraynta xogta maamulka suuban, ciidanka horumarka, iskuxidhka waalidiinta iyo dugsiga, aradyada iyo waliba  tayada waxbarashada ee dugsiga wiil-waal.

Dhinacakale maamulayaashii iyo kormeerayaashii shirkan kasooo qaybgalay ayaa iyaguna soo jeediyay in khibrad wayn ay kaqaadanayaan dugsiga wiilwaal ee maamulka magaalada jigjiga. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan sida wanaagsan ee masuuliyiinta waxbarashada dardargalinta hawlaha waxbarashada sida kormeerada, qiimaynada, iyo waliba kawarhaynta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga ee kagonaanshaha leh iyo meemarinta.

Kadib iswaydaarsiga xogahaas ayaa wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo ) ayaa abaalmarintii gudoonsiiyay maamulaha dugsiga wiilwaal ee MMJ.

Ugudanbayna wasiirka aya shirka soo gabagabeeyay oo sheegay in abaalmarintani ay tahay mid  marka koobaad dhiirigalin u ah maamulka dugsiga wiilwaal marka labaadna dhiirigalin ama motivation u ah maamulada dugsiyada kale ee maamulka magaalada jigjga iyo dhamaan dugsiyada deegaanka.