Maamulka Degmada Awbare Oo 4,000 kun Oo Geedaha Khudaarta ah U Qaybiyay Beeralayda Degmada Awbare

Awbare(cakaaranews)Talaado, 16ka, May 2017. Mas’uuliyiinta maamulka degmada awbare ee gobolka faafan ayaa geedaha dhirta ee khudaarta ah oo tiradoodu dhantahay 4,000 oo geed u qaybiyay beeralayda ku nool tuulooyinka hoosyimaada degmada awbare.

Hadaba, Geedahan  khudaarta ah oo ah kuwo lagu bacarimiyay goobta dhirbeerista maamulka degmada awbare  ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax oo sheegay in geedahan maanta loo qaybinayo beeralayda degmada awbare ay isugu jiraan khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Canbaha, Saytuunka, Liinta iyo Bunka kuwaasi oo ah kuwo la soo bacarimiyay oo hadda u baahan oo kaliya in laga faa’iidaysto wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay bulshadan loo qaybiyay geedahan khudaarta ah in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan una daryeelaan sidii loogu talagalay. Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tani ay qayb-ka tahay dadaalada ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha islamarkaana ay xukuumada Dawalada Deegaanka Soomaalida itoobiya ay xooga saartay.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada la gaadhsiiyay geedahan khudaarta ah ayaa si fiican u soo dhaweeyay uguna mahad naqay maamulka degamada iyo xukuumada soo gaadhsiisay waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaysanayaan dhirtan una daryeelayaan.