Xaflad Lagu Sagootiyay Kooxdii Caafimaadka Ee U Gurmatay Deegaanka Buuhoodle.

Buuhoodle,(cakaaranews),Arbaca, 17ka, May, 2017. Dadaalka balaadhan ee ay xukumada DDSI u gashay ka jawaabida xaaladaha abaarta iyo xakamayn cudurka shuban biyoodka ee ay keentay xaaladaha abaaru ayaan ku koobnayn oo kaliya deegaanka soomalida itoobiya balse kaalin miisaan culus ka gaysatay wax ka qabadka xaaladaha abaarta iyo xakamaynta cudurka shuban biyoodka qaarka mid ah bulshada ku dhaqan deegaanada  wadamada aan dariska nahay.

Waxaaa ka mid ahaa deegaanka ay xukuumada DDSI si adag ugu gurmaday bulshada ku dhaqan deegaanka   buuhoodle ee dalka soomaliya ee aan dariska nahay oo xanuunka shuban biyoodku  si ba’an u haleelay. waxayna  xukuumada dawlada  Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u  dirtay koox caafimaad, dawooyinka qalabka adeegyada caafimaadka iyo deeqo raashin ah.

deegaankaasi buuhoodle waxa uu la ildarnaa ka hor intii ayna gaadhin kooxda caafimaadku  abaar iyo cudurka shuban biyoodka taasi oo aan loo hayn awood lagu xakamayn karo xaaladaha abaarta iyo cudurka shubun biyoodka  islamarkaana ay xiligaasi dadka badan 500 oo qof ay cusbitaalka magaalada buuhoodle la jiifeen xanuunka shuban  biyoodka ah.  kooxdan caafimaadka oo isugu jiray dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka  ayaa ka dib markii ay ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle waxay ka soo hooyeen guulo ay ku diirsadeen bulshada reer buuhoodle, xaaladii cakirnaydna ee dhinaca xanuunka shubanka  biyoodka ah  ku soo celiyay mid caadiyo waxayna kooxdan caafimaadka ee DDSI ka hawlgaleen deegaanka buuhoodle muddo bil ah.

haddaba, ka dib markii ay kooxdan caafimaadku soo gudatay waajibaadkoodu guulo waawayna ka soo hooyay xakamaynta iyo tir tirida xanuunka shuban biyoodka ayaa waxaa xaflad sagootin iyo mahad naq   ah u qabtay bulshada reer buuhoodle ee ay ka mid yihiin odayaal  dhaqameedka deegaanka buuhoodle, gudiga caafimaadka ee deegaanka buuhoodle iyo bulshada reer buuhoodle waxayna xafladaasi ujeedadiidu ahayd mid loogu mahad naqayo guud ahaanba dalkeena itoobiya gaar ahaana DDSI laguna soo sagootinayo  kooxdan caafimaadka  ee xiligii  murugadu haysatay bulshada reer buuhoodle uga soo gurmatay waxayna qaybaha kala duwan ee bulshada reer buuhoodle oo ka hadlay xafladaasi si mug leh ugu mahad celiyeen  guud ahaan, dalkeena itoobiya,  DDSI gaar ahaan  madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar

waxaana gabagabadii xafladan  shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay dhamaan kooxdii caafimaadka ee la soo sagootinayay.