MW CMC Oo Furaha Guri Casriya Gudoonsiiyay Cabdulaahi Xasan Oo Kamid Ahaa Madaxwayneyashii hore ee DDSI

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 18ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ku wareejiyay furaha guri casriya mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ahaa madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray.

Hadaba Munaasabadii lagu wareejinayay furaha guryahan casriga ah oo ay goobjoog ka ahaa yeen madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa waxaa ka hadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in maanta lagu wareejinayo furaha guryahan casriga ah mudane Cabdulaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayne yaashii hore ee deegaanka soomaray islamarkaana ay mudan tahay in la xurmooyo lana qadariyo , Wuxuuna madaxwaynaha DDSI intaa kudaray  in madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray la siiyay guryo noocan ah .

Sidoo kale mudane Cabdilaahi Xasan oo ka mid ah madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray ayaa siwayn ugu mahad naqay madaxwaynaha DDSI iyo guud ahaan xukuumada DDSI wuxuuna sheegay in ay maanta farxad u tahay maadaamo oo ay meelwada joogaan madaxwayneyaashii hore ee deegaanka soomaray kana qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka taasina waxa uu sigaar ah ugu mahad celiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo suurgagaliyay arintan dhaxalgalka ah.

Gurigan casriga ah ee lagu wareejiyay mudane cabdilaahi xasan ayaa waxaa dhismihiisa hirgalisay wakaalada horumarinta guriyaha DDSI waxaana laga hirgaliyay xaafada dulqabow ee maamulka magaalada jigjiga.