Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Kaalin Shidaal Casriya.

Jigjiga,(cakaaranews), Jumce, 19ka, may, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray kaalin shidaal casriya oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 milyan oo bir taasi oo uu  muwaadin dhalinyaro ka hirgaliyay   Caasimada deegaanka ee jigjiga.

Xafladii kaalintan shidaalka ah xadhiga lagaga jarayay oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigenka DDSI  ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, odayaasha  dhaqanka deegaanka,  masuuliyiinta ugu saraysa shirkada total dalkeena itoobiya oo uu ka mid yahay maareeyaha guud ee shirkada total dakeena itoobiya mudane Lassina Toure, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.

Kaalintan  shidaalka ah oo ah tii ugu horaysay ee noocan oo kale ah   laga hirgaliyo dalkeena itoobiya ayaa waxaa xafladii xadhig ka jarka  ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdikaxiin Cigaal Cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka ee laga dhisay caasimada DDSI wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in sanadihii ugu danbeeyay si xawliga isku soo tarayso ganacsatada DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaysanaya deegaanka madaxwayne ku xigeenka ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay kaalintani u leedahay bilicda magaalada jigjiga iyo adeeg bixinta dhinaca shidaalka ee deegaanka.

Dhankiisa  waxaa ka hadlay xafladan  maareeyaha guud ee Shirkada total dalkeena itoobiya  mudane Lassina Toure oo ugu horayntii u mahad celiyay u mahad celiyay hogaaminta xukuuamda DDSI ee suurtagaliyay horumarka balaadhan ee sida xawliga ah uga hirgalay DDSI isaga oo sheegay in kaalinta maanta xadhiga laga jarayaa tahay kaalintii ugu horaysay ee nooceedan oo kale ah ee laga hirgaliyo dalka  itoobiya  islamarkaana laga hirgaliyay caasimada DDSI maareeyaha ayaa u mahad celiyay mulkiilaha  kaalinta shidaalka dadaalka balaadhan ee uu ku jirgaliyay kaalinta casriga ah.

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaankii xafladan  mulkiilaha kaalinta ee shidaalka ee total mudane Sacad Xaaji Maxamed Ismaaciil oo ugu horayntii u mahad celiyay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo kaalin mug leh ka gaystay ayuu yidhi hirgalinta kaalintan shidaalka isaga oo ka warbixiyay jaran jarooyinkii ay soo martay hirgalinta kaalintan shidaalku isaga oo sheegay in ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 28 millyan oo bir.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladan Garaad Kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Dool oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada ay leedahay kaalintan shidaalka isaga oo sheegay in ay qayb ka tahay  qorshayaasha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka gaar ahaan caasimada deegaanka ee jigjiga. Garaad ka oo ka hadlayay afka odayaasha deegaanka ayaa u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay kaalinta shidaalka oo ah tii ugu horaysay ee noocon oo kale ah oo laga jirgaliyo dalkeena itoobiya

 

Ugu danbayntii waxaa xadhiga uga jaray kaalintan shidaalka ee total madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal cumar iyo maareeyaha guud ee shirkada total ee dalkeena itoobiya mudane lassina toure.