CIID MUBAARAK



 

      

Tartan Aqoomeed Loo Hayay Ardayda Dugsiyada ee MMJ Oo Lasoo Gabagabeeyay

Jigjiga(cakaaranews)Axad 21ka May 2017.Tartan  balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada iyo kobcinta awooda Maamulka magaalada Jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen ardayda dugsiyada oo laga soo kala xulay 29 dugsi oo isugujira dugsiyada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, socdayna mudo bil ah ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga.

Tartankan  oo ah mid ay ardaydu  ku taratamaysay 6 maado oo kala ah physics, chemistry, biology, milgaha qaranka (Civic), luuqada afka Hooyo, iyo xisaabta ayaa lagu abaalmariyay dugsiyadii iyo ardaydii kaalimaha hore galay.

Hadaba, tartankan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay madaxa xafiiska waxbarashada iyo kobcinta awooda Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdinaasir Cadhays oo sheegay in tartankani yahay mid uu xafiisku qabto sanadwalba xiligan oo kale islamarkaana ay u jeedadiisu tahay in ardayda dhaxdeedu isbarato kuna kala bartaan aqoon iyo cilmi, wuxuuna tilmamay in ay abaal marin la siiyay dugsiyadii iyo ardadii ku guulaystay tartankan islamarkaana kaalimaha hore galay.

Uguanbayna dhankooda ardaydii kuguulaysatay tartankan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin taratakan looqabtay. Waxayna xuseen in taratnku ahaa mid si heer sare ah loo soo diyaariyay aqoon iyo cilmi badana ay ka heleen.