CIID MUBAARAK



 

      

Tababar Ku Saabsan Daraasaadka Xili Roobaadka Gu’ga Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 21ka,May, 2017.  Waxaa ka furmay caasimada deegaanka ee  jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka xamda tababar ku saabsan sidii loo daraasadayn lahaa xili roobaadka gu’ga islamarkaana loo ogaan  lahaa  baahida bulshada deegaanka ee xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato beeralayd.

Tababarkan oo uu soo agaasimay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan, wasiirka xigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI ahna la taliyaha madaxwaynaha dhinaca bini-aadanimda iyo xidhiidhka ha’yadaha mudane Anwar Cali, wasiir ku xigeenka ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar, xubno ka  socday xafiisyada heer deegaan ee ay baw-wadaagta yihiin xafiiska  ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI iyo xubo ka socday dhamaan hayada, ka hawlgala deegaanka gaar ahaan kuwa ay bah-wadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masibooyinka DDSI.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan  isaga oo  sheegay in  ujeedada ugu wayn tababarkani tahay maadaama oo  hadda lagu jiro xili-roobaadkii gu’ga sidii loo soo daraasadan lahaa xaalad Roobaadka gu'ga loona ogaan lahaa baahida bulshada deegaanka ee xoolo dhaqatada iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah gaar ahaan kuwa ay abaaruhu saameeyeen wasiirka ayaa intaasi ku daray in hadda xukuumada DDSI xooga saarayso sidii looga gaashaaman lahaa xaaladaha abaarta daraasaadkana wax wayn ka qabandoona qorshayaasha lagaga gaashaamanayo abaarta ugu danbayntii waxa uu wasiirku u booriyay tababartayaashan in mudada uu tababarku socdo fahan buuxa ka qaataan cashirada la dhigayo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.

Tababarkan oo socondoona mudo laba maalmood ah ayaa marka uu dhamaado waxay  tababartayaasha  oo ah kooxo isku dhafka oo ka kala socday qaarka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo hay’adaha ka hawlgala deegaanku u bixidoonaan gobolada deegaanka si ay u soo sameeyaan daraasaadkan.