Shirkii Qiimaynta 6da Bilood Ee Mashruuca PSNP Oo Ka Fumay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 22ka May 2017. Shir balaadhan oo uu soo agaasimay Xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah waaxdiisa damaanaad qaadka cuntada islamarkaana ay kasooqaybgaleen madax-xafiiseedyada maaliyada, beeraha, xisaabadada PSNP iyo dhamaan TA yada 46 degmo oo deegaanka ah ayaa ka bilowday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa furay islamarkaana khudbad muhiim ah kasoojeediyay kusimaha wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah  ahna Agaasinka Geedisocodka Damaanad Qaadka Cuntada ee isla Xafiiska mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in shirkani yahay shirkii lix  biloodlaha ahaa ee dib u eegsita iyo qiimaynta waxqabadka mashruuca PSNP iyo waliba qorshayaashii ladhigtay 6da bilood iyo siday u qabsoomeen. Wuxuuna intaa kudaray in shirkani uu yahay mid lagu eegayo warbixinta waxqabadka degmo kasta oo shirkan fadhida islamarkaana lagu saxayo dhaliilaha la arko inta uu socdo shirku.

Kusimaha wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in shirkani uu noqon doono mid lagu kalaqaato khibrado islamarkaana ay degmooyinka dhaxdoodu ay khibrad ku kala qaataan dhankooda adag.

Sikastaba ha ahaatee, shirkan lix biloodlaha ah ee qiimaynta ah ayaa ku bilawday jawi wanaagsan oo farxadi ku dheehan tahay.