CIID MUBAARAK



 

      

Xubnaha Madasha Wadatashiga Golayaasha Heerar-kooda Kala Duwan Oo Tababar Loo Soo Xidhay.

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 22ka May, 2017. Waxaa tababar muddo 3 maalmood ah socday loo soo gabagabeeyay xubnaha madasha wadatashiga golayaasha heerarkooda kala duwan oo ah, xubnaha afhayeenada golayaasha xildhibaanada degmooyinka deegaanka iyo ku xigeenada afhayeenka golaha xildhibaanada degmooyinka deegaanka, maamulada magaalooyinka DDSI iyo waliba xubnaha gudiyada joogtada ah ee golayaasha degmooyinka deegaanka.

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska golaah xildhibaanada DDSI  ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay madaxa xafiiska golaha xildhibaanada DDSI mudane Ibraahin Maxamed oo ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarkan kaasi oo sheegay in uu ahaa mid xooga lagu saarayay sii adkaynta hanaanka hawlaha shaqo ee  xildhibaanada degmooyinka deegaanada, xoojinta shaqooyinka ugu muhiimsan iyo mabaadida shaqo ee golaha xildhibaanada degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI  wuxuuna masuulku ku booriyay xubnahan madasha wadatashiga golayaasha heerarkooda kala duwan  in ay ka midho dhaliyaan cashiradii la siinayay mudadii uu tababarku socday.

 

Mudada uu socday tababarkani waxaa la barayay xubnahan cashiro ay ka mid yihiin doorka golaha xildhibaanada degmooyinka iyo maamul magaalooyinku ku leeyihiin hirgalinta maamulka suuban iyo rifoomyada, doorka ay golaha xildhibaanada degmooyinku ku leeyihiin geedi socodka diyaarinta, ansixinta iyo dabagalka miisaaniyada iyo hanaanka duubista iyo diyaarinta  hadal qoraaleedyada  golaha baarlamaanka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka. Waxaana bixinayay cashiradan khabiiro ka kala socay xafiiska golaha xildhibaanada DDSI ,xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI  iyo xafiiska  adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.