Ramadan Kariim 



 

      

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Kawarbixiyay Qaabka Uu Udhacayo Imtixaanaadka Heer Qaran

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 24ka May 2017. Wasiirka Xafiiska waxabarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo si qota dheer ooga warbixiyay qaabka uu udhicidoono imtixaanaadka heer qaran  ayaa sheegay ina dhamaan dalkeena itoobiya looga diyaargaroobay imtixaanaadka heer qaran ee fasalada 10aad, 12aad iyo 8aadba islamarkaana maalin dhaw uu si habsimi leh ooga dhici donaan dhamaan dalkeena itoobiya.

Hadaba Wasiirka xafiiska waxabarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo faahfaahiyay nidaamka uu udhicidoono imtixaanaadka heer qaran ayaa sheegay in la sameeyay comond postiyo isugu xidhan heer federal, Heer Deegaan, Heer Gobol iyo heer degmo, Isagoo wasiirku xusay in ay xilal kala leeyihiin ilaaliyaasha, Kormeerayaasha, Tiriyayaasha islamarkaana ay hay’adaha amnigu ay door kuleeyihiin ilaalinta nidaamka imtixaanaadka iyo waliba ilaalinta waxyaabaha anshax xumida ah.

Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in sanadan 2009TI ay imtixaanka fasalka 10aad ufadhiisan doonaan in kabadan 15,000 oo arday halka imtixaanaadka fasalka 12aad ay ufadhiisan doonaan 9000, oo ardayda deegaankeena ah, Fasalka 8aadna ay ufadhiisan doonaan in kabadan 27,000 oo ardayda deegaankeena ah, Sidoo kalena Wuxuu wasiirku xusay in imtixaanaadka heer qaran uu balaabmi doono maalmahan fooda inagusoo haya ee bishan 9aad ee ginbood kuna bilaabmi doono fasalada 10aad, Iyadoo imtixaanaadka fasalada 10 ee deegaanku uu ka dhici doono 151 goobood oo deegaanka ah, Halka uu imtixaanka fasalada 12aad uu bilaabmi doono dhamaadka isla bishan ginbood oo ku beegan 28ka bishan ginbood wuxuuna ka qabsoomi doonaa 88 goobood oo deegaanka ah.

Ugu danbayna wuxuu wasiirku tilmaamay in dadaalka uu xafiiska waxbarashada DDSI uu sameeyay sanadan gudaheeda uu kalsooni balaadhan ka qabo dhamaan ardayda deegaanka ee u faadhiisanaya imtixaanaadka heer qaran ay natiijo wax ku ool ah oo lagu farxo ka keeni doonaan, Maadaama uu xafiisku kulamo layeeshay dhamaan aradayda dugsiyada sare ee deegaanka, Waalidiinta Maamulayaasha iyo waliba macalimiinta oo loo qabtay tababaro kaladuwan. Isagoo wasiirku intaa kudaray in dhamaan ardayda la isugu xidhay 1 ilaa 5 islamarkaana laga joojiyay mobilada iyo waxyaabaha anshax xumida ah in lagu isticmaalo dugsiyada gudahooda , Iyadoo ardayda loo sameeyo nakhtiin ama make up class. Wuxuuna wasiirku hadalkiisii kusoo xidhay in ardayda qaadanasa imtixaanaadka heer qaran laga qaaday model examinationkii islamarkaana uu dadaalada badan ee xafiisku sameeyay sanadan 2009TI ay natiijo wax ku ool ah ka keeni doonaan dhamaan aradayda deegaanka ee qaadanaysa imtixanaadka heer qaran ee fasalada 10aad,12aad iyo 8aadba.