CIID MUBAARAK



 

      

MW CMC Oo Kawaramay Midhihii Guusha 20-ka Ginbood Hambalyana Udiray Dhamaan Shacabwaynaha Reer Itoobiya.

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 26ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta warbaahinta  deegaankaba uga waramay guusha iyo midhaha 20-ka Ginbood oo ah maalintii laga takhalusay mugdigii iyo cadaadiskii xukuumadii Dergiga, wuxuuna madaxwaynuhu hanbalyo u diray dhamaan shacab waynaha Itoobiya isbadalka maanta ay   ku naaloonayaan qoomiyadaha Itoobiya.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayntii uga mahadceliyay shacabka DDSI iyo guud ahaanba dalka iyo waliba dadaalka horumarineed ee uu  dalku doonayo inuu kagamid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Halkan laguma soo koobi karo isbadalka iyo guulaha ay 20-ka Ginbood u soo hoyisay qoomiyadaha iyo shacabwaynaha Itoobiya ayuu yidhi madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Ginbood kahor (25 sano) Itoobiya waxay dhamaan kusugnayd mugdi wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in Soomaalida Itoobiya ay Dergidu ula dhaqmi jirtay muwaadinka labaad ama (second citizen) iyadoo deegaanku aysan haba yaraatee wax horumar ah ka dhaxlin.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud waxaa uu sheegay in deegaanka Soomalidu ahaan jiray wakhtigaasi Dergiga xeryo militari oo xitaa aan guri laga dhisin ama laga dhaxlin xeryahaasi iskadaa horumar kale oo lasheego. Waxay shacabku kala kulmeen dil, dhac, boob iyo dhibaatooyin badan oo dafiray xaquuqahoodii aas aasiga ahaa.

Midhaha Ginbood oo ay ugu horeeyaan xaquuqaha ay qoomiyaduhu lahaayeen iyo horumarka balaadhan ee maanta dalku kutalaabasaday ayaa waxaa hormuud u ahaa guusha 20-ka Ginbood, waxaana 25kii sano ee lasoo dhaafay dalku kagaadhay horumar dhan walbo ah, Deegaanka soomaalidana waxaa uu kafaaidaysatay horumarka iyo maamulka suuban ee wadanka ka curtay sida Biyaha,waxbarashada, jidadka, isgaadhsiinta, Caafimaadka, dib u dajinta mashaariicaha waawayn ee kaladuwan iyo qorshayaasha horumarineed ee uu hogaaminayo ururka talada dalka haya ee EPRDF iyo bahwadaagtiisa.