CIID MUBAARAK



 

      

Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Mashruuca RIF Oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 26ka May, 2017. Kulan lagu qiimaynayay wax qabadka mashruuca Dhimista dhimashada hooyada iyo dhamalaanka ee afka qalaad  loo soo gaabiyo (RIF) oo ah waxqabada mashruuca  bilihii la soo dhaafay  oo diirada lagu saarayay fulinta qorshihii mashruuc u dajisnaa  laguna qorfaynayay   sidii loo dar-dar galin lahaa  qorsha yaasha  mashruuca ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay caasimada DDSI gaar ahaan madasha shirarka ee  huteelka City crown.

Kulankan qiimaynta ah oo u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, masuuliyiin ka socday ururka horumarinta somalida itoobiya oo uu ka mid yahay maareeyahay ururka horumarinta somalida itoobiya mudane Cabdifaax Siciid iyo masuuliyiinka socday hay’adaha ay baw-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI.

Kulankan qiimaynta ah oo socday muddo 2maalmood ah ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali oo ka warbixiyay waxqabadka mashruucan iyo guulaha laga soo hooyay fulinta qorshayaashii u yaalay mashruuca bilihii ugu danbeeyay. wasiirka ayaa sheegay  in tan iyo intii la hirgaliyay mashruucani uu wax wayn ku soo biiriyay dadaalka uu xafiiska caafimaadka DDSI ugu jiro ka midho dhalinta adeegyada  caafimaadka gaar ahaan hoos u dhiga dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

Dhankiisa maareeyaha mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudaen Shaafici Daahir Muuse ayaa  ka warbixiyay kaalinta waxqabad ee uu mashruucani ku leeyahay hirgalinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan adeega  caafimaadka hooyada iyo dhalaanka wuxuna sharax dheerka bixiyay in   mudadii koobnayd ee la hirgaliyay  mashruucan uu  guulo waawayn ka soo hooyay fidinta iyo wacyigalinta adeegyada caafimaadka iyo kaalintii uu mashruucani ka qaatay dadaalkii loogu jiray xakamaynta iyo tir-tirida  cudurka shubanbiyoodka  ka dhashay xaaladii  abaaraha saamaysay qaarka mid ah degmooyinka deegaanka.

Gabagabadii ayaa waxaa laga soosaaray  kulankan qiimaynta ah  qorshe ah in  muddo bil ah lagu  lagu soo gabagabeeyo  shaqooyin u  qorshaysan  oo uu fulinayo mashruucani oo ah  in 63 xurumo caafimaad solar light loo galiyo, 51 xurumo caafimaad haamaha  biyaha ah loo dhigo, 61 Mooto la gaadhsiiyo degmooyinka deegaanka ee uu ka hawlgalo mashruucani.