CIID MUBAARAK



 

      

Kulan Lagu Qiimaynayay Adeega Caafimaadka Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews)Arbaca,7da June, 2017. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI  kulan lagu qiimaynayo waxqabadkii adeega caafimaadka ee 9kii bilood ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee gobolada, maamulada magaalooyinka iyo degmooyinka DDSI islamarkaana lagu diyaarinayo qorshaha caafimaadka ee 2010TI.

Waxaana ka soo qaybgalay kulankan masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali, madax xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka, masuuliyiinta xarumaha caafimaadka degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka.

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali ka warbixiyay ahmiyada kulankan islamarkaana sheegay in uu yahay mid diirada  lagusaarayo fulinta qorshayaashii  waxqabadkii sanad miisaaniyeedka 2009TI sida ay u meelmariyeed maamulada caafimaadka ee degmooyinka, gobolada  iyo maamul magaalooyinka  DDSI sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in mudada uu kulankani socdo laysla meel dhigidoona fulinta qorshaha iyo jihooyinka adeegyada caafimaadka ee sanadka soo socda.

Kulankan ayaa mudada uu socdo waxay masuuliyiinta caafimaadka degmooyinka iyo xarumaha caafimaadka degmooyinka deegaanku ku soo bandhigayaan warbixinta waxqabadka 9kii bilood ee sanad miisaaniyeedkan 2009TI  sidoo kalena waxa laysla meel dhigidoonaa fulinta qorshaha ,jihooyinka iyo istaraatajiyadaha  caafimaadka ee sanadka soo socda. Kulankan ayaa  sii socondoonaa maalmaha soo socda