CIID MUBAARAK



 

      

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Degmada Erar

Erer(Cakaaranews) Khamiis 8da June 2017.Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee  Degmada Erar  ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada Erar iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada Erar  islamarkaana loo adeegay bulsho dhan 543 qof oo isugu jira 108 qof oo lagu sameeyay qalniin halka 435 laga daweeyay indhaha, Iyadoo sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota islamarkaana uu maalmahan kasii socon doono isla degmadaas Erar ee gobolka siti, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  ee wareega   ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah guud ahaanba degmooyinka dhiman ee aan wali laga fulinin adeegan xukuumada DDSI gaarka u ah islamarkaana ooga talagashay siday bulshada deegaanka ku nool ee ka lumay aragoodii indhaha oogusoo celin lahaayeen.

Sidoo kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay kusimaha gudoomiyaha degmada erer ahna gudoomiye kuxigeenka degmada erer mudane Saacid Badal oo sheegay inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaan uu muhiim uyahay bulshada danyarta ah, Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay wargeliyeen dhamaan bulshada ku dhaqan degmada erer iyo naawixgeedaba.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Erar iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.