CIID MUBAARAK



 

      

Kulan Lagaga Hadlayay Waxqabadka Mashruuca One Wash Oo Ka Dhacay Jigjiga.

Jigjiga(cakaaranews),talaado, 13 ka June , 2017. Kulan balaadhan oo uu soo diyaariyay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI oo lagaga hadlayay waxqabadka iyo fulinta qorshayaashii u dajisnaa mashruuca Bad-qabka iyo fayo dhawrka biyaha ( one wash).

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, masuuliyiin ka socday xafiisyada ay hab-wadaagta yihiin mashruucan one wash iyo masuuliyiinka socday 28ka degmo oo ka mid ah degmooyinka DDSI ee uu ka hawlgalo mashruun one wash .

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed oo ka warbixiyay waxqabadka mashruuca iyo kaalinta uu ku leeyahay hirgalinta qorshayaasha horumarka gaar ahaan adeegyada aas aasiga ah sida  biyaha waxbarashada iyo  caafimaadka  isaga oo sheegay kulankan mudada uu socdo diirada lagu saarayo waxqabadkii mashruucan lana eegaya meelaha uu dhaliisha ku lahaa si loo saxo qorshaha sanadkan soo socda wasiir ku xigeenka ayaa  ku booriyay ka soo qaybgashay kulankan in ay si qoto dheer u lafa guraan waxqabadka mashruuca islamarkaana soo bandhigaan jihooyinka iyo fulinta qorshayaasha mashruuca ee sanadka 2010TI.

Kulankan ayaa inta uu socda waxay masuuliyiina mashruucan one wash,xubnaha  ka socday xafiisyada bah-wadaagta la ah xafiiska biyaha gaar ahaan mashruucan one wash iyo masuuliyiinta ka socday 28ka degmo ee uu ka hawlgasho mashruucani ay soo bandhigayaan waxqabadkii mashruucan iyo jihooyinka fulineed ee lagu hirgalinayo qorshaha sanadkan 2010TI.