CIID MUBAARAK



 

      

Degmada Erer Iyo Imtaxaankii Fasalka 8aad Oo Si Habsami leh U Bilawday

Erer (cakaaranews)Arbaco 14ka June 2017. Imtaxaankii heer deegaan ee fasalka 8aad ayaa si habsimileh uga bilawday degmada erer ee gobolka siti  iyadoo dhamaan dugsiyada hoose dhaxe ee deegaankana uu imtaxaankani kabilowday.

Hadaba, Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Erer ee Gobolka Siti mudane Cabdi Muxumed Maxamed oo uu waheliyo Gudoomiyaha Arrimaha Xisbiga Degmada Erer mudane Maxamed Dayib Daahir  ayaa sheegay in saaka uu si habsamileh u bilowday imtaxaankii fasalka 8aad ee degmada erer iyadoo imtaxaankanina uu kabilawday 7 xarumood oo degmada kamid ah islamarkaana ay imtaxaanka u fadhiisteen arday tiradoodu kor udhaafayso 700 oo arday kuwaasoo 280 ay yihiin dhadig 420 ay yihiin lab.

Sidookale, masuuliyiinta ayaa sheegay in imtxaankan ay si wada jir ah u fulinayaan khabiiro heer deegaan ah maamulka degmada erer. Waxayna carabka kudhufteen in uu imtaxaankan ay ardaydu kuqaadanayaan 9 maado oo kala ah sadexda sayniska, xisaab, cilmibulsho, milgaha qaranka, Axmaari, soomaali iyo English.

Ugudanbayna, waxay mahadcelin balaadhan u soojeediyeen masuuliyiinta xafiiska waxbarashada DDSI oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane ibraahim Aadan Mahad oo xaalada imtaxaanka si wadaniyadleh ula socda islamarkaana baahida waxbarashada iyo tan imtaxaankaba si toosa uga warhaya.  Sidookle madax xafiidyada ayaa u mahadceliyay hayada aybahwadaagta yihii ee Save the Children laanteeda Diredawa oo taageero ay kaheleen dhanka gaadiidka.