CIID MUBAARAK



 

      

Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Iyo darajaynta Nidaamka Maaliyada Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Ka dhacay jigjiga.

Jigjiga(cakaaranews) jumce, 16ka June, 2017. Kulan balaadhan oo lagu qiimaynta natiijada waxqabadka iyo darajaynta nidaamyada maamulka maaliyadeed ee degmooyinka iyo magaalooyinka DDSI ayaa ka qabsoomay magaalada jigjig gaar ahaan hoolka kuliyada iyo maaraynta adeega shacabka DDSI.

Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska maaliyada iyo horumarka dhaqaalaha DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarka dhaqaalah DDSI madune Axmed Cabdi Maxamed ayaa waxaa loo qaybtay dhamaan madax-xafiiseedyada maaliyada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI.

Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka maaliyada iyo horumarka dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxmaed oo warbixiyay jihooyinka horumarineed iyo dhaqan dhaqaale ee deegaanka iyo guud ahaan dalkeena itoobiya wasiirka ayaa sheegay in kulankan diirada lagu saarayo qiimaynta natiijada waxqabadka islamarkaana lagu abaalmariyo degmooyinka iyo maamul magaalooyinka ee xafiisyada maaliyadaha natiijada sare ka keenay ee hormuudka noqday dhinaca nidaamka maamulka maaliyadeed gaar ahaan fulinta iyo najiitooyinka 22 halbeeg (indicator)oo ay ka mid yihin qorshaynta, miisaaniyada ,dakhli ururinta, kharash bixinta , maamulka lacagaha, xisaab xidhka, iibka , maamulka hantida iyo hanti dhawrka,

waxaana kulankan qiimaynta ah gabagabadiisii abaalmarino la gudoonsiiyay degmooyinkii iyo maamul magaalooyinkii kaalmaha hore u galay qiimaynta waxqabadkan taasi oo ay dhinaca maamul magaalooyinka kaalinta 1aad gashay maamulka magaalada jigjiga. dhinaca degmooyinka waxaa kaalinta 1aad galay degmada tuliguuleed, laalinta 2aad ceelkari halka ay kaalinta 3aad wada galeen degmada awbare, Erar iyo fuultu. taasi oo uu wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane axmed cabdi maxamed uu  gudoonsiiyay degmooyinka iyo maamul magaaladan galay kaalmahaasi abaalmarino iyo shahaada sharaf ka  turjimaysa dadaalka ay muujiyeen.