CIID MUBAARAK



 

      

Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi.

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 16ka June 2017. Inaa-lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Allah ha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada jigjiga marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi oo loo yaqaanay kabacalaf oo maalintii shalay ahayd ku geeriyooday deegaanka axmaarada gaar ahaan wabiga abay oo uu marxuumku hawlo shaqo u joogay.

Waxaana aaskan qaran ee loo sameeyay allah ha u naxariistee marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi oo ku magac dheeraa (Kabacalaf)ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudan Cabdimahad Maxamed Cabaase, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuunku iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga.

Hadaba Wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase ayaa ugu horayntii tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI ee uu ka geeriyooday allah ha u naxariisteen marxuum Xasan Cabdisalaan Cilmi wasiirka ayaana marxuumka illaahay uga baryay in uu jano fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan umada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaanka siiyo wasiirka ayaa ka warbixiyay in uu marxuunku ahaa shaqsi wanaagsan oo shaqooyin kala duwan ka soo qaybtay Deegaanka.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay  wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil oo ugu horayntii u tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo xukuumada DDSI ee uu ka geeriyooday marxuun xasan wasiirka ayaa ka warbixiyya taariikhda marxuunka isaga oo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii lagu aas aasay ee shaqooyinkii ugu horeeyay ka qabtay xafiiska dhaqanka iyo dalkiisa wakhti xaadirkana ka ahaa agaasin. Qaybaha kale duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dawlada ayaa si qoto dheer uga warbixiyay shaqsiyadii marxuum xasan.

Ugu danbayna waxaa sidoo kale si fiican ugu duceeyay marxuumka qaar kamid ah culimo owdiinka deegaanka islamarkaana sheeay inuu marxuumka uu geeriyooday bishii barakaysnayd ee ramadaam gaar ahaan 10kii danbe ee bisha ramadaam, Isagoo sheekhu uduceeyay marxuumka tacsina udiray dhamaan eheladii, qaraabadii iyo dhamaanba deegaanka uu ka baxay marxuumka.