CIID MUBAARAK



 

      

296 Arday oo Ka Qalinjabiyay Jigjiga Polytechnic

Jigjiga (cakaaranews)Axad 18ka June, 2017. Xaflad si heer sare ah loo soo agasimay oo ay ku qalin jabinayeen dufcadii 16aad ee ardayda kuliyada Polytechnice islamarkaana tiradoodu dhantahay 296 arday oo isugujira wiilal iyo gabdhoba, kana sooqaybgaleen masuuliyii heerdeegaan ah oo ay uguhorayso  Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa maanta Kadhacday Hoolka shirarka Sayid Maxamed Cabdile Xasan.

Hadaba, xafladan ayaa waxaa ugu horayn khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay  Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah DDSI Marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayn u hanbalyaysay dhamaan qalinjabiyayaasha iyo marti sharafata kale ee kasooqaybgashay. Waxayna wasiiradu sheegtay in maalinba maalinta kadanbaysa ay kor usookacayso ardayda kaqalinjabinaysa kuliyadaha deegaanka islamarkaana ay aad ugufaraxsantahay in ay kalasooqaybgasho xafladan qalinjabinta ah ee ay ku qalinjabinayaan 296 arday oo baratay culuumta dhiig joogjinta saboolnimadka  kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee jigjiga poly technic.

Marwada ayaa dhamaan qalinjabiyaaysha ku boorisay in ay yihiin xirfadlayaal waxbaratay islamarkaana noocyo kaladuwan oo shaqo abuur ah samaynkara loona baahanyahay si daacad ah oo wadaniyadi kudheehantahay ay ugu shaqeeyaan xirfadooda.

Dhanka kale,wasiir kuxigeenka xafiiska xirfadaha iyo farsamada gacannta (TVET) mudane Cabdirisaaq Saxane oo qalinjabintan kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay in kasooqaybgalo xaflada qalinjibinta ee radayda jigjiga polytechnic islamarkaana uu hanbalyo u soojeedinayo. Wuxuuna tilmaamay in xukuumada iyo xafiiska TVET kuba uu ahmiyad balaadhan siiyay barashada xirfadaha kaladuwan iyo waliba shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka.

Ugudanabayna, xaflada ayaa kusoodhamaatay jawi wanaagsan oo farxad baladhan kamuuqato qalinjabiyayaasha iyo martisharafta kasooqaybgashayba.