Tababar Loo Qabtay Afhayeenada Xildhibaanada Baarlamanka Degmooyinka Iyo MM Deegaanka Ayaa Kafurmay Magaalada Godey

Godey(Cakaaranews) Isniin 10ka July 2017. Tababar kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee afhayeenada xidhibaanada baarlamaanka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka  ayaa ka furmay magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele.

Hadaba tababar ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sare oo heer deegaan ah oo uu ugu horeeyo afhayeenka golaha xildhibaanada baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, Mas’uuliyiinta gobolka shabeele iyo kuwa mm ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo sheegay inuu tababarkan yahay mid kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee  afhayeenada xidhibaanada degmooyinka iyo mm, si loo helo cudud tayo leh oo kamidha dhalisa horumarka la hiigsanayo.

Ugu danbayna wuxuu afhayeenku xusay intabarka uu halkaas kasii socon doono islamarkaana fahanbuuxa lagasiinayo xubnahan ku dhaqanka nidaamka tastuurka dalka iyo  awooda fulineed ee ay leeyihiin afheenada xildhibaanada baarlamanka degmooyinka iyo mm deegaanka. Wuxuuna afhayeenku intaa kudaray in uu XDSHSI dadaalo badan ugalay siduu kor oogu qaadilahaa garaadka aqooneed iyo midka siyaasadeed ee afhyeenada xildhibaanada baarlamanka degmooyinka iyo mm deegaanka.

Sikasataba ha ahaatee tababarkan  kor loogu qaadayo garaadka siyaasadeed ee afhayeenada xidhibaanada baarlamanka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka  ayaa socon doona mudo labo maalmood ah islamarkaana lagu bari doonaa cashiro la xidhiidha nidaamka federalismka iyo maamulka suuban.