Ololo Balaadhan Oo Ah Dhanka Nadaafada Caasimada Jigjiga Oo Kadhacay Magaalada

Jigjiga (cakaaranews)Khamiis 17ka August 2017. Sida lawada ogsoon yahay caasimada DDSI ee magaalada jigjiga ayaa 5tii sano ee u danbaysay  si aad xawli u ah u koraysay marka la eego dhinacyada adeegyada aasaasiga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada islamarkaana kamid noqotay caasimadaha magaalooyinka dalka ee wakhtiyar gudihii isbadalwayn ka sameeyay dhanka jidadka, dhismaha iyo waliba nadaafada iyo cagaarinta caasimada. Iyadoo baryahana ay maamulka magaaladu dadaalbalaadhan ugu jiraan dhanka qurxinta iyo nadaafada magaalada maadaama oo ay sanadkan magaaladu martigalinayso xuska magaalooyinka dalka.

Hadaba, waxaa maanta magaalada jigjiga si wayn uga qabsoomay olole balaadhan oo dhanka nadaafada ah oo ay kasooqaybgaleen masuuliyinta ugu saraysa MMJ oo uu ugu horeeyo Kusimaha Maayorka ahna Maareeyaha MMJ mudane Fadxi Shugri Axmed oo halkaas kula hadlay warbaahinta deegaanka. isagoo sheegay in baryahanba ay ku hawlanyihiin dhanka qurxinta iyo nadaafada maagaalada jigjiga islamarkaana ay maanta si aad u balaadhan u samaynayaan ololo nadaafadeed oo ay wada fulinayaan shaqaalaha MMJ iyo waliba halyay’yada ciidamada Gaarka ah ee Liyuu-boolis. Wuxuuna xusay in maanta  ay nadaafadani kuwajahantahay goobo kamid ah magaalada oo ay islahaayeen waxaa kajira qashin.

Ugudanbayna, kusimaha maayorka ayaa bulshada  kunool caasimada kuladardaarmay in ay kala shaqeeyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda magaalada jigjiga, si wada jira ahna ay ugala qayb-qaataan.