Kulan Wadatashi ah Oo Kaduwan Kulamadii Hore

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 3da October 2017. Kulan wadatashi ah oo kaduwan kulamadii hore oo ay yeesheen xukuumada iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa kaqabsoomay madasha shirarka ee kali 1.

 

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay hogaaminta sare ee xukuumada iyo odayaal dhaqameedka deegaanka.

Hadaba kulankan oo lagaga wada arinsanayay xaalada guud ee deegaanka, ilaalinta dastuurka dalka iyo gaar ahaan dagaalada joogtada ah ee ay oromadu kuhayso shacabka soomaalida itoobiya ayaa waxay ugu horayn xukuumada deegaanku sheegtay in shacabka soomaalidu ay halgankii khadhaadhaa ee ay EPRDF lagashay kaligii taliskii cadaadiska dhargiga ee ay xukunka kaga tuurtay ay naftooda iyo maalkoodaba uhureen iyagoon badalin magacoodii, afkoodii, diintoodii iyo dhaqankoodiiba. Waxayna xukuumada deegaanka soomaalidu ay hoosta kaxariiqday inuu dhargigii hore burburay balse ay jiraan maanta dad raba inay beeraan dhargi cusub oo kaluuqad duwan.

Dhanka kale waxay xukuumada deegaanku cadaysay sababaha kadanbeeya dagaalka iyo weeraradan joogtada ee ay oromadu kugumaadayso shacabka soomaalida iyadoon ukala aaba yeelaynin balse magaca soomaali ku ugaadhsanaysa. waxayna sababahan uqeexday xukuumadu sidatan:

 

1. Dhul-balaadhsi ay oromadu kudoonayso inay xoog kuqaataan deegaanka soomaalida itoobiya si ay xidhiidh toos ah ula yeeshaan dakadaha wadamada aan dariska nahay sida somaliland, somalia, Djabouti iyo Kenya. si ay ugu sahlanaato inay danahooda gaarka ah ah kafushadaan hubkii ay kuburburin lahaayeen dawlada federalka ah ay ugala soo dagi lahaayeen. Taas oo uu deegaanka soomaalidu dayr adag oo bir ah uu kunoqday fikirkoodaasi.

2.Inay oromadu kacadhootay iskufilaanshaha dhanka nabadgelyada ee uu deegaanka soomaalidu gaadhay maadaama oo uu deegaanku gacan bir ah kuqabtay xadka dheer ee furan ee marinka u ahaa cadawga itoobiya islamarkaana uu deegaanku tirtiray ururadii nabadiidka ahaa ee sida Al-itixaad, Ubbo, Onag, alshabaab iyo wixii lamidka ahaa ee kadagaalamayay ama gabbaadka kadhiganayay gudaha deegaanka soomaalida oo ay Eritrea hubka hal doon ah usoo wada saari jirtay.

3.   Maadaama ay soomaalidu kahor-istaagtay oromada kacdoonadii khadhaadhaa iyo mudaaharaadyadii ay kurabeen inay kusoo celiyaan  nidaamkii cadaadiska dhargiga oo kuhadlaya luuqad kale si ay udumiyaan nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka oo aysan la'aantood itoobiya jiraynin.

 

 

 

4.     Oromada oo kaxanaaqsan horumarkan dhinacyo badanaha ah ee mudo gaaban gudaheed uu deegaanka soomaalidu kugaadhay gaar ahaan guulaha dhanka jidadka iyo buundooyinka oo deegaankeenii kala qoqobnaa ee aysan degmo degmo kale ugudbi jirin, gobolna gobol kale kuxidhnaan jirin kadhigtay mid sal ilaa baar iskuxidhan oo aan maanta ubaahnayn in degaan kale loo sii dhexmaro taas oo meesha kasaartay inay degmooyinkii uxayirnaa deegaanka oromada wado la'aan iyo buundo la'aan awgeed balse soomaalida ahaa sida lagahida, salaxaad, qubi, mayumuluqo, qarsaadula iyo filtu inay toos isugu xidhmaan.

 

 

 

5.     Inay oromadu kakacday horumarka iskufilaansho ee uu deegaanka soomaalidu kagaadhay dhanka biyaha maadaama waxsoosaarka dalagyada kaladuwan ee beeruhu ay sare ukacayso islamarkaana ay suuq badan kuwaayayso oromadu halkaas.

 

Waxaa kale oo ay xukuumada deegaanka soomaalidu sheegtay inay deegaanka kadhacday arintii Burma kadhacday oo kale oo inta 8 wiil oo reer Tuli ah laqabtay oo la isku xidh xidhay baasiin lagu bil-bilay oo lagubay iyagoo nool, in 2 wiil oo gaadhi saaran lagala dagay meesha layiraahdo 147 oo udhaw mooyaale kadibna nolol lagu gubay. Waxaa taas kasii daran 8dii bukaan jiifka ahayd ee yaalay hospitaalka yaabeelo ee intay faleembadii kajareen ay gawraca ugu wada jiideen iyo inaysan marnaba itoobiya horay uga dhicin xasuuqii awaday oo kale oo ay kugawraceen 18 qof meesha 27 shaqsina ilaa hada lala’yahay meel ay geeyeen iyadoo 300 oo qofna dhaawac lagu soo gaadhsiiyay magaalada jigjiga oo ilaa hada ay qaarkood dhakhtarada yaalaan islamarkaana aysan ilaa hada xukuumada oromadu katacsiyayn iyadoo dhamaan dhacdooyinkaas foosha xun ay udiwaangashan tahay xukuumada federaalka ah iyo hay’adaha xuquul insaanka inay yihiin kuwo kabaxsan arinta xuduuda labada deegaan.

 

Xukuumada ayaana hadalkeedii kusoo xidhay in marnaba shacabka soomaalidu aysan itoobiyaanimadooda cidna uga daba fadhiyin oo ay soomaalinimadooda kufaanaynaan kuna yihiin itoobiyaan islamarkaana ay si cad ula dagaalamayaan cid kasta oo rabta inay burburiso nidaamka federalismka ah iyo wada noolaanshaha shucuubta reer itoobiya iyadoo xukuumadu intaa kudartay inaysan marnaba ubaahnayn dhul uu deegaan kale leeyahay oo uu dhulkeedu kabad-badan yahay oo xataa hadii sida sharciga dalku dhigayo loo isticmaalo uu kufilan yahay itoobiya oo dhan iyadoo xukuumadu intaa kusii dartay in nabad kuwada noolaanshaha qawmiyadaha dalku ay aas aas gun dhigeed utahay qorshaha xukuumada soomaalida itoobiya.

 

Ugudanbayna, dhankooda ayaa waxaa si qoto-dheer uga hadlay odayaal dhaqameedka, mas’uuliyiintii hore iyo madaxwayneyaashii hore ee deegaanka  oo dhamaantood sheegay in marka la eego dhanka baaxada dhulka ee deegaanka soomaalida oo ah in kabadan 353,000km2 uu deegaanka soomaalidu noqonayo deegaanka 2aad ee ugu dhulka balaadhan dalka itoobiya meesha dhanka tirada dadka kunool dalka itoobiya marka la eegana ay qawmiyada soomaalidu noqonayso qawmiyada 3aad ee ugu tirada badan dalka iyo inay shacabka soomaalidu ay wadanka nabadgelyadiisa qaateen markuu nidaamkan federalismka ah ee itoobiyada cusub ee maanta uu dhashay.

 

Odayaasha oo hadalkda sii wata intaa kudareen inay maamulka oromada oo dabada kawada shacabkooda iyo maleeshiyaadka oromada ay weeraro iyo dagaalo gardaro ah oo isdaba joog ah kawadaan gudaha deegaanka soomaalida itoobiya. Dagaaladaas oo ay kudoonayaan inay dhulka soomaalida kuqabsadaan xoog balse ilaa hada ay xukuumada deegaanka soomaalidu dhawrayso shuruucda dalka iyo hadalkii raisal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn ee ahaa in shuruucda dhanka saxaafada ay labada deegaanba ilaaliyaan lana dajiyo khilaafka shacabka labada dhinac balse aysan taas maamulka deegaanka oromadu dhag-jalaq usiinin oo ay sii wateen u isticmaalka mediaha goob dagaal oogid oo aysan cidna kaqarsanaynin si cad oo badheedh ahna ugu isticmaalayaan islamarkaana ay wali sii wadaan weeraradii iyo dagaalkii ay kuhayeen shacabka soomaalida ah ee kudhex nool deegaankooda iyo kuwa xuduudaba. Taas oo aan intaa kabadan loo adkaysan Karin oo xad gudub ku ah shacabka soomaalida ah kasokow xasuuqyadii ay galeen. Waxayna odayaashu cadeeyaan inay arinta oromadu tahay mid kawayn soomaalida oo kuwajahan itoobiya oo dhan.

 

Iskusoo wada duuboo, odayaal dhaqameedka deegaanka soomaalida itoobiya ayaa ugu baaqay xukuumada federalka ah in inta ay ilaalinayaan qawmiyada oromada ay macquul tahay inuu dumo nidaamka federalismka ah iyo axdigii qaran ee ay qawmiyadaha dalku wada galeen.