Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaminayo MW Ku Xigeenka DDSI Ayaa Gaadhay Xarunta Somaliland.

Hargaysa(cakaaranews),talaado, 12ka, December, 2017. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo ay wehelinayaan masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xarunta dhexe ee XDSHSI mudane khadar cabdi ismaaciil, ku simaha hogaank nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI  General  Cabdiraxmaan Cabdilaahi buraale, wasiiro,  wasiiro ku xigeeno iyo qaarka mid ah hogaaminta odayaal dhaqameedka DDSI  oo u kicitimay soomaliland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada wajaale ee dhinaca soomaliland.

Waftigan ka socday DDSI oo ay ujeedada socdaaloodu tahay sidii ay uga qaybgali-lahaayeen xaflada caleemo saarka madaxwaynaha la doortay ee  soomaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Waxa si meeqaam sare ah  ugu soo dhaweeyay waftigan magaalada  wajaale masuuliyiin ka socday soomaliland oo  uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha somaliland mudane Yaasiin Maxamud biixi  iyo qaybaha kala dudan ee bulshada ku dhaqan magaalad wajaale  iyada oo  tan iyo intii ay ka gaadhayeen xarunta soomaliland ee hargaysa meelkasta oo ay sii maraaan  si meeqaam sare ah loogu soo dhawaynayay

Haddaba, Soo dhawayn ka dib waxaa la hadlay warbaahinta madaxwayne ku xigeenka  DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, oo sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay soo dhawaynta balaadhan ee loo sameeyay waftigan uu hogaaminayo  madaxwayne ku xigeenka  ayaa tilmaamay in ujeedata socdaalkoodu tahay sidii ay uga qayb galilahaayeen xafalada caleemo saarka madaxwaynaha dhawaan ku guulaystay doorashadii soomaliland mudane Muuse Biixi Cabdi sidoo  kale waxa uu madaxwayne ku xigeenka ka warbixiyay xidhiidhka wanaagsan ,iskaashi, walaalnimo, daris wanaag ee  dhexeeya somaliland iyo itoobiya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashigaasi  

Dhankiisa wasiirka arimaha gudaha soomaliland mudane Yaasiin Maxamuud Biixi  ayaa sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan in ay so dhaweeyaan  waftigan balaadhan ee ka socda deegaanka soomalida itoobiya isaga oo sheegay in ay tani muujinayso sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya  DDSI iyo somaliland.