Wafti Ka Socday Qaramada Midoobay Ayaa lagusoo dhaweeyay Xarunta Deegaanka

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 12ka December 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si diiran loogusoo dhaweeyay wafti balaadhan oo uu hogaaminyay agaasimaha waaxda adeega guud ee hay’ada OCHA ( director of operational division OCHA)  mudane John Ging. Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ay kamid ahaayeen wasiirka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarwga masiibooyinka DDSI mudne Xuseen Maxamed Xasan,wasiir kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargawga masiibooyinka mudane Anwar Cali iyo mas’uuliyiin kale.

Hadaba waftagan oo uu ujeedadu socdaalkoodu ahaa  soo indha indhaynta xaalada bani’aadanimo ee deegaanka ayaa waxaa xafiiskeeda ku qaabilay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax islamarkaana halkaas isku xogwaydaarsaday.