Xirfadlayaasha Xarumaha Caafimaadka Gobolka Jarar iyo Nogob Oo Tababar Loo Qabtay

Dhagaxbuur(cakaaranews)Khamiis, 14ka December 2017. Tababar ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed ee xirfadlayaasha ka hawlgala xarumaha caafimaadka ee Degmooyinka Gobolka Jarar iyo gobolka nogob islamarkaana kusaabsan tayaynta adeega caafimaadka ee lasiiyo hooyada iyo dhalaanka ayaa si habsamileh uga furmay xarunta gobolka Jarar ee magaalada dhagaxbuur.

Hadaba, Marwo Ayaan Cabdi Shugri oo ah khabiir sare oo katirsan  shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI ahna xubinkii tababarkan fulinayay oo waranatay warbaahinta ayaa sheegatay in tababarkani yahay mid loo qabatay qaarkamid ah xirfadlayaasha ka hawlgala xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka Jarar iyo Gobolka Nogob islamarkaana kaqaybgalayaasha lagu barayay casharo laxidhiidha badbadada iyo daryeelka hooyada. Iyo waliba sidii adeeg caafimaad oo tayo leh loosiin lahaa Hooyada xiliga dhalmada iyo xiliga uurka labadaba. Waxayna tilmaanatay in tababarkani yahay mid lagu sii adkaynayo dhanka adeegbixinta ee xaumaha caafimaadka. Gaar ahaan adeega caafimaad ee loogu talagalay in helaan hooya kasta xili-kasta iyo xaalad kasta oo ay ku sugan tahay.

Ugudanbayna, waxay carabka kudhufatay in natiijada tababarkani ay noqondoonto mid wax ku’ool ah kadib markuu tababarku dhamaado islamarkaana uu sii xoojin doono nidaamka adeeg bxinita xarumaha caafimaadka iyo waliba in uu qaybwayn kaqaato dhanka tayada adeegyada caafimaad ee kaladuwan ee lasiiyo hooyada.