Waftigii DDSI Ee Ka Qaybgalay Xaflada Caleemo Saarka Mw Somaliland Oo Dib Ugu Soo Noqday Xarunta Deegaanka

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 14ka, December, 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ee ka qaybgalay munaasabadii lagu caleemo saarayay madaxwaynaha soomaliland ee dhawan ku guulaystay doorashadii ka dhacday  somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxay maanta dib ugu soo noqdeen caasimada deegaanka ee jigjiga

Waftigan ayaa waxaa si meeqaam sare ah u soo sagootiyay  soona gaadhiiyay magaalo xuduudeeda wajaale masuuliyiin sar sare  oo ka tirsan xukuumada somaliland oo uu ka mid yahay wasirka arimaha gudaha somaliland mudane  Yaasiin Maxamuud Xiir oo hadalo sagootin iyo mahad naq ah sidii ay uga qaybgaateen xafladii caleemo saarka u soo jeediyay wafigan ka socday DDSI.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa ka warbixiyay sida quruxda badan ee ay xukuumada iyo shacabwaynaha somaliland u soo dhaweeyay waftigan tan iyo maalintii ay gaadheen xuduuda somaliland iyo maanta oo ay soo noqdeen. Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI u rajaynayaan somaliland in ay garab istaagaan madaxwaynaha cusub ee somaliland si ay uga midho dhaliyaan jihooyinka horumarineed ee u dajisan soomaliland.

Waxayna waftigani maanta galinkii dambe soo galeen caasimada deegaanka ee jigjiga