Kulan Wacyigalin Ah Oo Kusaabsan Hanaanka Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Oo Ka Qabsoomay MM Qabridahar iyo MM Godey

Qabridahar(cakaaranews)Jumce, 15ka December 2017. Kulan balaadhan oo kusaabsan wacyigalinta Hanaanka anshax iyo Milgaha qaranka islamarkaana ay kasooqaybgaleen Gudiga waalidiinta, maamulayaasha dugsiyada kaladuwan iyo waliba qaar kamid ah barayaasha wax kadhiga dugsiyada kaladuwan ee magaalada ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee magaalada Qabridahar. 

Hadaba, kulankan wacyigalinta ah  ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Gadhwadeenka Geedisocodka Waxbarashada Anshaxa iyo Milgaha Qaranka Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI marwo Farxiya Cabdulaahi Khaliif oo sheegatay in kulankani yahay mid wacyigalin ah oo ku’aadan barashada iyo hirgalinta cilmiga milgaha qaranka iyo anshaxa. Kaasoo looga baahanyahay dhamaan ardayada dugsiyada kaladuwan inay noqdaan kuwa u dhuun duleela. Si ay unoqdaan arday anshax leh islamarkaana ku dhiiran waxbarashada. Marwada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tilmaantay in dhamaan ardayda deegaankeena looga baahanayahay inay kubarbaaraan anshax wanaagsan islamarkaana waalidiinta iyo macalimiinta looga baahanayahay inay doorkooda kaga aadan kaqaataan. Waxayna carabka ku adkaysay in waalidiinta iyo macalimiintuba xooga saaraan  hirgalinta waxbarahsda anshaxa iyo milgaha qaranka.

Sidookale, waxaa iyadna kulankan wacyigalinta ah mid lamid ahi uu si habsami leh uga qabsoomay Maamulka magaalada goday islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno kamid ah maamulka magaalada Godey. Iyadoo kualnkaasna la iskula meel dhigay hirgalinta iyo fulinta Hanaanka Anshaxa iyo Milgaha Qaranka taasoo ay waalidiinta iyo macalimiintuba kubaln qaadeen sidii caruurta dugsiyada loo bari lahaa anshax iyo milgaha qaranka.

Iskusoowada duuboo, wacyigalintan anshaxa iyo milgaha qaranka ayaa larabaa in siwayn loo gaadhsiiyo dhamaan waalidiinta, macalimiinta iyo ardayda deegaanka si loo helo arday anshax wanaagsan oo natiijo fiican ka keenta waxbarashada.