Tababar Kor Loogu Qaadayo Garaadka Aqooneed Ee Barayaasha Luuqada Englishka Ee Gobolka Faafan Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 16ka December 2017. Tababar uu si heer sare ah usoo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo loo qabanayay macalimiinta luuqada Englishka ee dhamaan  degmooyinka gobolka faafan  ujeedadiisuna ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee barayaasha luuqada afka englishka ee degmooyinka gobolka faafan  ayaa ka furmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba tababarkan loo qabtay barayaasha luuqada englishka ee gobolka faafan ayaa waxaa furitaankiisii kasoo qaybgalay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur, Agaasinka Horumarinta Maclimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada Cabdixakiin Maxamed Cali waxaana ugu horayn tababarkan ka hadalay wasiir kuxigeenka waxbarashada DDSI mudane maxamuud axmednuur oo sheegay in tababarkan yahay mid ay iskakaashadeen wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiiska waxbarshada DDSI ujeedadiisuna yahay sidii kor loogu qaadilahaa garaadka aqooneed ee  barayaasha luuqada englishka degmooyinka gobolka faafan  ee fasalka 1aad ilaa 12aad  islamarkaana loosii xoojin lahaa nidaamka barisbarasho ee barayaasha luuqada englishka si loo helo araday tayo leh.

Ugu danbayna waxaa dhankiisa ka hadlay agaasinka Horumarinta Maclimiinta iyo Hogaaminta waxbarashada Cabdixakiin Maxamed Cali oo kula dardaarmay barayaashan tababarkan qaadanayay inay ka faaiidaystaan mudada uu tababarku socdo maadaamo uu yahay tababar muhiim ah oo loo baahanyahay inaad usii gudbisaan dugsiyadaii la idinka soo kala xulay.