Kulan Wadatashiya Oo Ay Yeeshay Wafti Ka Socday DDSI iyo Qurba Joogta DDSI Ee USA.

Atlanta (cakaaranews), axad, 17ka , December,  2017. Wafti ka socday dawlada deegaanka soomalida itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad  ayna ku wehelinayaan maareeyaha guud ee  machadka cilmibaadhiska DDSI mudane guuleed aw cali kaahin iyo madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane  Dr Cabdicasiis  Ibraahin ayaa dhawaan hawlo shaqo u gaadhay wadanka maraykanka waxayna kulan wadatashiya la yeesheen jaaliyada DDSI ee ku dhaqan  magaalada  Atlanta ee gobolka  Georgia ee wadanka maraykanka

Kulankaasi oo  ku salaysnaa sidii looga wada tashan lahaa dar-dargalinta qorshayaasha horumarka deegaanka iyo doorka qurba joogtu ku leedahay ayaa waxa  ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka waxbarashad DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo  ugu horayntii u mahad celiyay qurba joogta sida diiran u soo dhawaysay iyo sida ay kulankan uga soo qaybgaleen wasiirka ayaa ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee uu deegaanku soo maray marxaladihii siyaasadeed dhaqaale iyo arimo bulshada iyo sida aan deegaanku wakhtiyadii hore uga faa’iidaysan fursadaha horumarka ee ka dhashay itoobiyada cusub wasiirka ayaa sheegay in ka dib markii ay hogaaminta deegaanka qabteen dhalinyaro ka damqatay dhibaatooyinkii soo daashaday shacabka deegaanka ay ka dajiyeen  istaraatajiyado iyo qorshayaal lagu hirgalinayo horumar waara iyo nabadgalyo taam ah islamarkaana laga midho dhaliyay wasiirka ayaa qurba joogta sharax dheerka siiyay xaaladaha guud ee hadda uu deegaanku ku sugan yahay iyo kaalinta looga baahan yahay qurba joogta DDSI

Dhankiisa maareeyahay guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed aw Cali Kaahin oo ka hadlay kulankan ayaa faah-faahin dheeriya ka bixiyay horumarka sida xawliga ah uga socda deegaanka gaar ahaan qorshayaasha lagu hirgaliyay ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha deegaanka ee ay xukuumada DDSI kaga xaqabtiraysa shacabka deegaanka helitaanka biyaha nadiifta ah maareeyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay ee looga baahan yahay qurba joogtu in ay ka qaadaan kaalinta kaga aadan.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee qurba joogtan DDSI oo ka hadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay waftigan ka socday DDSI waxayna bogaadiyeen waxqabadka muga wayn leh ee ay xukuumada DDSI ku hirgalisay  deegaanka  ee ku salaysan taaba galinta qorshayaasha horumarineed  waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta kaga aadan hirgalinta qorshayaasha lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.