MW Deegaanka Oromada Ka Hadlay Xasuuqii Shacabka Soomalida Ah Loogu Gaystay Gudaha Deegaanka Oromada.

Addis-ababa,(cakaaranews) isniin, 18ka, December, 2017. madaxwaynaha dawlada deegaanka oromada mudane Lemma Magarsa ayaa hadlay xasuuqa loo gaystay shacabka soomalida ah ee birima gaydada ah  ee ku dhex noolaa deegaanka oromada madaxwaynaha ayaa ugu horayntii tacsi u diray ehelkii, qoyskii iyo  qaraabadii  laga xasuuqay shacabkii soomalida ahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay madaxwaynaha deegaanka oromadu  in Dadka soomaalida ah ee falalka xun-xun lagu xasuuqay  dadka u gaystay ahaayeen  dad kooban oo liita oo aan matalin shacabka oromada.  Madawaynaha  oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay arinta dhacdadan foosha xun ay ka deegaan ahaan  aad uga xun yihiin   waxaana tacsi udirayaa cid walba oo ay taabatay arintani. dadkii falkan gaystayna sharciga ayaa la horkeeni doonaa ayuu yidhi.