Tababar Kusaabsan Barnaamijka BSC Oo Loo Soo Xidhay Shaqaalaha Degmooyinka Gobolka Jarar

Dhagaxbuur(cakaaranews)Talaado, 19ka December 2017. Tababar kusaabsan barnaamijka Halbeega waxqabadka iskudheelitiran ee magaciisa loo soo gaabiyo BSC islamarkaana uu soo agaasimay xafiiska maamulka Gobolka Jarar kana soo qaybgaleen xumno laga soo kala xulay shaqaalaha degmooyinka gobolka jarar, Maamulka Magaalada Dhagaxbur iyo waliba Hospitaalka Magaalada Dhagaxbuur ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee magaalada Dhagaxbuur.

Hadaba, tababarkan  oo ay casharada bixinayeen xumno kamid ah shaqalaha gobolka jarar islamarkaana tababarka BSC ga  kusooqaatay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobolka Jarar mudane Shugri Xasan Khaliif oo sheegay in tababarkani kusaabsanaa barnaamijka Halbeega Waxqabadka Iskudheelitiran isamarkaana loo qabtay 48 xubnood oo kamid ah shaqaalaha degmooyinka Gobolka Jarar Maamulka Magaalada Dhaqagaxbuur iyo Huspitaalka dhagaxbuur. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkani yahay mid larabo in lagu hirgaliyo barnaamijka BSC islamarkaana si toos ah loogu shaqeeyo. Wuxuuna kuladardaarmay kaqaybgalayaasha intababarkan  ay qaateen ay sifiican uga dhaqangaliyaan goobahoodii shaqo ee ay ka kala yimaadeen.

Dhankakale, macalimiintii tababarka bixinaysay oo kamid ah shaqaalaha Degmooyinka iyo maamulka magaalada dhagaxbuur oo iyana kahadlay xidhitaankii tababarka ayaa sheegay in si buuxda ay ugu dhamaystireen casharadii iyaga lasoo baray ee kusaabsanaa baranaamijkan halbeega waxqabadka isudheelitiran ee (BSC) kaasoo ah nidaam wax wayn kataraya dhanka shaqada iyo shaqaalaha iyo sidii shaqaaluhu adeeg tayo leh ubixinlahaayeen.

Ugudanbayna,kasooqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay kafaaiideen casharo aad muhiim ah. Waxayna balan qaadeen in ay usiigudbinayaan dagmooyinkii ay ka kalayimaadeen.