Hargeele iyo Tababarka Macalimiinta Luuqada Afka Ingiriiska Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay

Hargeele(cakaaranews)Khamiis, 21ka, December 2017. Waxaa Xarunta Gobolka Afdheer ee magaalada Hargeele lagu soo gunaanaday tababar loo hayay barayaasha luuqada Afka ingiriiska islamarkaana ay kasooqaybgaleen macalimiinta luuqada ee kahawlgala dhamaan degmooyinka Gobolka Afdheer uu ka kooban yahay kaasoo u socday mudo 10 cisho ah.

Hadaba, tababarkan  ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Afdheer Cabdi Maxamed Ibraahim oo sheegay in tababarkani ahaa mid kor loogu qaadayo aqoonta barayaasha luuqada afka ingiriiska islamarkaasna uu barayaasha u socday mudo 10 cisho ah. Wuxuuna kuladardaarmay barayaasha in tababarka cashardii ay kabarteen ay si wanaagsan uga dhaqangaliyaan dugsiyadii iyo dagmooyinkii ay kakala yimaadeen.

Dhankakale, madaxa kooxda fulinaysay tababarkan ahna iskuduwe katirsan xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdiwali Axmad Yaasiin oo isna dhankiisa kahadlay tababarkan ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid lagu kobcinayo garaadka aqoomeed ee macalimiinta luuqada afka Ingiriiska islamarkaana loo hayay dhamaan macalimiinta luuqada ee degmooyinka gobolka afdheer. Wuxuuna intaas kudaray in nidaamka cashar bixinta ee tababarku uu isugujiray practical iyo Theory labadaba. Iyadoo macalimiintana laga qaaday 2 imtixaan oo lagu tijaabinayo aqoontooda ku aadan ingiriiska kaasoo bilawgii tababarka iyo dhamaadkiisiiba laga qaaday macalimiinta.

Sidookale, tababarkan mid lamid ah ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta Gobolka shabeele ee magaalada goday iyo waliba xarunta gobolka doolo ee magalaada wardheer kaasoo ay kasooqaybgaleen dhamaanba  barayaasha degmooyinka  goboladaasi.

 

Ugudanbayna, dhankooda ardaydii kasooqaybgashay tababarkan ayaa sheegay in sifiican ay uga faa’iidaysteen islamarkaana ay sii gaadhsiinayaan goobihii ay kakala yimaadeen.