Barnaamijka Darajosiinta Dugsiyada Deegaanka Ee Gobolada Faafan. Sitti, Qoraxey Iyo Doolo Oo Meel Fiican Maraya

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 22ka December 2017. Waxay ahayd  7aad ka hor markii uu xafiiska waxbarashada DDSI uu koox darajo siinta dugsiyada deegaanka ee dabagalka waxbarashada guud ah udiray gobolada Faafan, Sitti, Qoraxey iyo Doollo.

Hadaba Agaasinka Dabagalka waxabarashada guud ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Muxiyodiin  sheikh Cabdiraxmaan Xasan oo kawarbixiyay kooxdan ku maqan darajosiinta dugsiyada deegaanka ayaa sheegay in kooxdu shaqadooda meel fiican marayso islamarkaana ay shaqada uwadaan qaab shaqeedkii laga siiyay xafiiska. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in ujeedada uu barnaamijkani yahay sidii kor loogu qaadi lahaa darajosiinta dugsiyada oo looga gol-leeyahay in dhamaan dugsiyada deegaanka oo ay ugu horeeyaan 4tan gobol ee ay kooxdu hada shaqadooda ku gudajiraan la gaadhsiiyo darajada qaan gaadhka oo ah darajada 3aad iyo darajada 4aad.

Ugu danbayna agaasinka ayaa xusay in barnaamijka darajosiinta dugsiyada oo looga goleeyahay in dhamaan dusiyada la gaadhsiiyo heerka qaangaadhka ee darajada 3aad iyo darajada 4aad oo ku qotoma qiimaynta gashiyada waxbarashada ee geedisocodka baris-barasho iyo natiijda ardayada ee 4tan gobol ee ay kooxdu shaqadooda ku guda jirto ayaa waxuu agaasinku sheegay in marayaan 35% iyadoo degmo walba laga dhisay gudiga qiimaynta barnaamijka darajosiinta dugsiyada .