MW CMC Oo Warbaahinta Dalka Ugu Warbixiyay Hirgalinta Qorshayaasha Horumarka

Jigjiga(cakaaranews), axad, 24ka December, 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo warbaahinta dalka shir jaraayid ugu qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay taaba galinta guud ahaanba qorshayaasha horumarineed ee deegaanka gaar ahaan dhinaca ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, doorka ka qaybgalka haweenka  iyo hirgalinta maamulka suuban.

Madaxwaynaha oo ay saxaafadu waxka waydiisay dhinaca ka qaybgalka haweenka ayaa waxa uu sheegay marka la eego dhinaca ka qaybgalka haweenka ay yihiin kuwa door muhiin ah ka qaadanaya  hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban madaxwaynaha ayaa sheegay in haweenka deegaanku marka la eego dhinaca muwaaqirka dawlada deegaanka masuuliyiinta ugu sareeya heer deegaank gobolada maamulada magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka ay kaga jiraan Kaalin mug wayn kuwaasi oo si firfircoon uga qayb-qaata taaba galinta geedi socodka horumarka deegaanka madaxwaynaha ayaa sheegay in isbadalka horumarineed ee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka ay kaalin miisaan culus ku leeyihiin ka qaybgalka haweenka deegaanku.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay madaxwaynuhu dhinaca ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha deegaanka ayaa waxa uu ka warbixiyay dhibaatooyinkii wakhtiyadii hore ka haysan jiray shacabka deegaanka dhinaca helitaanka biyaha madaxwaynaha ayaa sheegay  in  wakhtiyadii hore ka jireen deegaanka  laba ceel  oo kaliya ay qoteen maamulkii boqortooyada iyo mid kii shuuciga ahaa ee dhergiga kuwaasi oo kala ahaa ceelka jigjiga iyo kan galaadi oo ay u dhaxayso mafaaso dhan 500km taasi oo aad dareeyaso xaalad biyo la aaneed ee bulshada haysan jirtay. Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay xukuumada DDSI samaysay sanadihii ugu dambeeyay in laga guul gaadhay sidii bulshada deegaanka looga xaqab tirilahaa helitaanka biyaha nadiifta ah ee dadka iyo duunyadaba sidoo kalena lagu guulaystay in degmooyinka qaarkood oo ay adkayn in laga soo saaro biyaha dhulka hoostooda balse dadaal dheerka dib lagu soo saaray biyahaasi iyada oo ceelka ugu dheer laga qoday dalkeena itoobiya yahay ka laga qoday DDSI  hoos loo qotay ilaa 600 mitir

Dhinaca kale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar ayaa ka hadlay hay’daha nabadgalyada deegaanka isagoo tusaale usooqaatay ciidamada gaarka ah ee liyuu boolis. Waxuuna xusay madaxwaynuhu in loo baahan yahay in la ogaado in deegaanku uusan lahayn qaab dhismeed ka duwan qaabdhismeedka nabadagalyada ee deegaanada kale ee dalkeenan itoobiya islamarkaana uu liyuu-boolisku yahay booliska deegaanka Dhankakale, Madaxwaynaha ayaa si qoto dheer usoo bandhigay taariikhda nabadgalyo ee deegaanka isagoo sheegay in Laga soo bilaalo 1964 G.C in deegaanku ahaa deegaan ay ku hardamaaan ama ku loo lamaan ururadii xagjirnimada, nabadiidka iyo waliba fikirada soomaali wayn iwm. Sidaasdarteed horumarka iyo nabadgalyada deegaanka waxaa salka udhigay ciidamada liyuu booliska. Sababtoo ah deegaankani wuxuu ahaa deegaan itoobiya oo dhan cabsi galiyay maxaa yeelay soomaaliwayn ayaa sheegan jirtay. Iyadoo qofkastaa xasuustoo dagaalkii soomaalia iyo itoobiya in uu deegaankan ka dhashay islamarkaana mudayar oo ilaa 7 bilood ah ay xoog ku haysatay soomaaliya. Maxaayeelay Ilaa 1964 tii ururadii siyaasadeed ee deegaanka kadhaqdhaqaaqi jiray ayaa xiligii boqortooyadii, xiligii dhargiga iyo xiligan itoobiyada cusub umada deegaanka u horseeday inay u hanqal taagaan inay goostaan deegaanka ama ay kudaraan soomaaliya. Iyadoo Dhibaatadanina ay socotay 1964 ilaa iyo xili dhaw oo kubeegaan 2000 T.I iyadoo Ururadaas nabaddiidka ah ee deegaanka kajirayna ay shacabaka deegaanka ugaysan jireen caadaadis iyo xasuuq ba’an, dhargiguna uu sidaa si lamid ah ku ahaa deegaanka iyadoo xiligii ay soomaaliya nagu soo duushayna sidaas iyo si lamid ah ay shacabka deegaanka xasuuqi ugu gaysatay. Sidaasi darteed taariikhda nabadgalayada deegaankani waa mid murugoo iyo calool xumo badan leh.

Iskusoo wada duuboo, madaxwaynaha ayaa tilmaamay in Kadib markii EPRDF qabatay wadanka ee itoobiyada cusub curutay in uu deegaanka dib uga abuuramay ururo nabaddiid ah sida UBBO, AL-itaxaad, ONOG iyo Al-shabaab oo uu deegaanku marin u ahaan jiray si ay hub ay itoobiya ku dumiyaan uga soo galiyaan iyadoo ururadina ay mar ONLF kulifaaqnaan jireen Mara ay kali kali uga dhaqdhaqaaqi jireen deegaanka. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in dawlada federalka ah looga fadhiyo inay sharciga horkeenaan danbiilayaashii ka danbeeyay xasuuq wadareedkii dadka soomaalid ah loogu gaystay galbeedka harargee.