Kulan-waynihii Wadatashiga Qurba Joogta Iyo Xukuumada DDSI Ee Magafe Quusis Oo Si Meeqaam Sare Ah Ugu Qabsoomay Minneapolis.

Minneapolis, (cakaaranews), Axad, 24ka December, 2017. Waxaa si qurux badan uga qabsoomay magaalada Minneapolis gobolka minnisato ee cariga maraykanka kulanwaynaha  wadatashiga xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI ee ku dhaqan wadanka maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

kulan waynahan, wadatashiga xukuumada DDSI iyo qurba joogta north america ee DDSI  oo ahaa mid ku qabsoomay jawi aad u qurux badan  ayaa waxaa ka soo qaybgalay waftigii balaadhnaa ee ay hogaaminasay wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI marwo maajida maxamed maxamuud ee ay  ku wehelinayeen wasiirka, gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo  wasiirka madaxtooyada DDSI Mudane mudane  cabdimahad maxamed cabaase iyo   kumanaan qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada qurba joogta DDSI ee ku dhaqan north america gaar ahaan gobolka Minnesota  waxaa kale oo xusid mudan in madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kaga qayb-galay kulankan dhinaca khadka telefoonka.

Waxaa, ugu horayntii dhinaca khadka telefoonka  kaga hadlay kulan waynahaasi madaxwaynaha DDSI  mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ka warbixiyay xaaladaha guud ee deegaanka ee dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. madaxwaynaha ayaa si gaar ah  uga warbixiyay dhacdadii foosha xumayd ee  lagu xasuuqay shacabka soomalida ah gudaha deegaanka oromada tacsina u diray ehelkii qoyskii iyo dhamaan shacab waynaha DDSI meelkasta oo ay joogan. madaxwaynaha ayaa sharax dheerka bixiyay  halka ay marayso  xalinta khilaafaadka labada shacab ee soomalida iyo oromada iyo waliba sida ay labada deegaan uga wada shaqaynayaan ka midho dhalinta sidii xal-waara loogu helilahaa xalinta khilaafaadka labada shacab. Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu ka warbixiyay guulaha ay xukuumada DDSI sanadihii ugu dambeeyay ka gaadhay ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka iyo doorka ay qurba joogtu ku leeyihiin iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga qurba joogta DDSI meelkasta oo ay joogaan iyo xukuumada DDSI si loo gaadho yoolasha lagu gaadhayo wadamad uu dhaqaalahoodu dhex –dhexaadka yahay.

Dhankooda waxaa ka hadlay kulankaasi wasiiradii DDSI ee ka qayb-galay kulankaasi oo ay ka mid yihiin wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI marwo maajida maxamed, wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane khadar cabdi ismaaciil  iyo wasiirka madaxtooyada DDSI Mudane cabdimahad cabaase, kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay shirkan wadatashiga iyo quus go’ynta magafayaasha ku maxaabsanaya magaca qaarka mid ah beelaha deegaanka  waxaa kale oo ay ka  warbixiyeen   sooyaalka taariikheed ee deegaanka soo maray iyo mar xaladihii adkaa ee la soo maray iyo shacabka dawlad deegaanka somalida Itoobiya oo ah shacab adkeysi badan waxayna sheegeen in sanadihii  la soo dhaafay XDSHSI iyo  xukuumada DDSI  ay dadaal balaadhan galeen   habeen iyo maalinba u taagan sidii shacabka DDSI nolol cusub ay u heli lahaayeen hadey noqoto dhanka biyaha, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, wadooyinka, leydhka, shaqo-abuur,  horumarinta magaalooyinka iyo guud ahaanka hor u qaaditaanka kobodha dhaqaalaha deegaanka waxayna ka marqaati kaceen in dhamaan boqolkii sagaashan waqtigan xaadirka ah ay marayaan hormarka ka jira dawlad degaanka somalida Itoobiya waxayna sheegeen in shirkan si qoto dheer loogaga hadlayo dar dargalinta jihooyinka siyaasadeed, dhaqaale nabadgalyo iyo horumarineed ee DDSI iyo sii xoojinta iskaashiga qurba joogta DDSI iyo xukuumada DDSI masuuliyiintan ayaa si qoto dheer ugu mahad celiyay jaaliyada DDSI eek u dhaqan north America gaar ahaan gobolka Minnesota sida qiimaha badan ee ay u abaabuleen shirkan ayna uga soo qaybgaleen ee aanay ugu kala hadhin dhamaan qaybaha kala duwna ee jaaliyada DDSI north America.

Sidoo kale  qaybaha kala duwan ee bulsahda jaaliyada DDSI ee north America oo si qoto dheer uga hadlay furitaankii shirkan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dadaalka aan kala muga wayn ee ay xukuumada DDSI ugu jirto ka midho dhalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalayda, maamulka suuban iyo xidhiidhka arimaha bulsahda gaar ahaan dhinaca kor u qaaditaanka xidhiidhka qurba joogta DDSI iyo xukuumada DDSI waxayna sheegeen in ay  sii xoojinayaan ka qaybqaadasha hirgalinta horumarka deegaanka sidoo kalena ka hortagayaan cidkasta oo isku dayda in ay carqalad galiso taaba galinta geedi socodka horumarka iyo nabadgalyada ee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka iyo dalka