Gobolka Shabeele Iyo Tababar Kusaabsan Barnaamijka BSC Oo kaqabsoomay Magaalada Godey

Godey (cakaaranews)Isniin, 25ka Decemebr 2017. Waxaa xarunta gobolka shabeele ee magaalada goday lagu soo gaba gabeeyay tababar ujeedadiisu tahay hirgalinta barnaamijyada dib uhabaynta shaqo ee  sida Barnaamijka halbeega waxqabadka iskudheelitiran ee looyaqaano (BSC), xidhmooyinka maamulka suuban (Good Gvernance Packages) iyo waliba nidaamka kudhaqanka anshaxa wanaagsan.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiis kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo sheegay in tababarkan ujeedadiisu ahayd  kor uqaadista aqoonta shaqaalaha eek u aadan barnaamijyada dib uhabaynta shaqada ee uu ugu horeeyo barnaamijka Halbeega Waxqabadka isudheelitiran ee looyaqaano BSC, xidhmooyinka maamulka suuban iyo waliba sidii ay uga hirgalin lahaayeen xafiisyadii iyo goobihii shaqada ee ay kakalayimaadeen. Wuxuuna kuladaradaarmay shaqaalaha in si fican oo wadaniyad leh ay uga hirgaliyaan cashardii ay barteen mudada 10ka cisho ah kadib markay ku laabtaan.

Sidookale, tababar kan lamid ah  oo ay kasooqaybgaleen xubno shaqaale ah oo ka kalsocday dhamaan deggmooyinka Gobolka qoraxey  ayaa isna lagu soo gabagabeeyay xarunta gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar. tababarkaasoo kusaabsan barnaamijka BSC iyo nidaamka maamulka suuban.

 

Iskusoowada duuboo, tababaradan ayaa waxaa laga filayaa in ay natiijooyin wax ku ool ah kasoobaxaan kadib markii shaqaaluhu kulaabtaan goobahoodi shaqo, islamarkaana ay kadhaqan galiyaan barnaamijkan Halbeega waxqabadka isudheelitiran.