Shir Ay Yeesheen Hogaaminta Sare Ee DDSI

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 27ka December 2017. Shir ay maanta yeesheen hogaaminta sare ee DDSI ayaa waxaa iskubadal lagu sameeyay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha gobolada. Waxaana la isugu badalay sidan:

1. Gudoomiyihii gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun waxaa loo badalay gudoomiyaha gobolka Afdheer

2. Gudoomiyihii gobolka Afdheer mudane Madoobe Macalin Ibraahin waxaa loo badalay gudoomiyaha gobolka Sitti

3. Gudoomiyihii gobolka Doolo mudane Maxamed Cabdi Bare waxaa loo badalay gudoomiyaha gobolka Shabeele

 

4. Gudoomiyihii gobolka Daawa mudane Maxamed Kaahin waxaa loo badalay gudoomiyaha gobolka Doolo

5. Gudoomiyihii gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf waxaa loo badalay gudoomiyaha gobolka Daawa.

FG: dhamaan gobolada kale waa sidoodii oo la iskuma badalin