Kulanka Wadatashiga Kor U Qaadista Tayaynta Waxbarashada Reer-guuraaga DDSI Oo Ka Furmay jigjiga,

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 28ka, December, 2017. Waxaa ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga gaar ahaan madasha  shirarka huteelka xamda kulan lagaga wada tashanayo sidii kor loogu qaadilahaa loona horumarin lahaa tiirka waxbarashada reer guuraaga DDSI.

Kulankan oo uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya wasaarada waxbarashada JDFI ayaa waxaa loo qaybtay xubno ka socday xafiisyada iyo ha’yadaha ay bah-wadaagta yihiin xafiiska waxbarashada , madax xafiiseedyada waxbarashada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka , jaamacada jigjiga, odayaal dhaqameedka deegaanka, qaarka mid ah culimo awdiinka deegaanka  iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii kulankan wadatashiga ah furay wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu leeyahay kulankan  wadatashiga ee kor loogu qaadayo taaba galinta tiirka waxbarashada reer guuraaga   gaar ahaan  hirgalinta qorshaha tayaynta waxbarashada reer-guuraaga gaar ahaan in fasalada waxbarashada reer guuraaga oo markii hore ahayd 1aad ilaa 4aad in laga dhigo 1aad ilaa 6aad iyo hirgalinta iskuulka wareega ee loogu talagalay bulshada reer guuraaga ah ee oo la gaynayo hadba goobta ay dagan yihiin Wasiir ku xigeenka  oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay   in  si kor loogu qaado heer daboolka tayada waxbarashad uu  waxbarashada  deegaanka dadaal xoogan galiyay sidii loogu midho dhalin lahaa siyaasada  waxbarashada deegaanka iyada oo xooga la saarayo tayaynta waxbarashada reer guuraaga ah maadaamo oo ay bulshada deegaanku u badan tahay reer-guuraa. Wasiir ku xigeenka  ayaa sheegay in kulan  lagaga hadlayo sidii ay xafiiska waxbarashada  DDSI iyo bah-wadaagtiisu iskaga kaashan lahaayeen  ka midho dhalinta tayada waxbarashada reer-guuraaga deegaanka

Ugu dambayntii kulan wadatashiga kor u qaadista tiirka waxbarashada reer-guuraaga DDSI  oo socondoona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu qorfayn-doonaa tabaha iyo xeeladaha lagu hirgalinayo  qorshaha ka midho dhalinta qorshahaasi.