MM Godey iyo Adeega Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka bilawday

Godey (cakaaranews)Isniin, 22ka January 2018. Waxaa Cusbitaalka magaalada Godey si rasmi ah uga bilawday adeega daawaynta iyo qaliinka indhaha kaasoo ay kafaa’iidaysanayaan bulshada ay dhibaatadu kahaysato dhanka araga indhuhu ee ku dhaqan magaalada Godey iyo waliba dhamaan nawaaxiga Magaalada Godey.

Hadaba, adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Kusimha Maayorka Magaalada Ahna Madaxa Xafiiska Caafimaadka MM Godey Mudane Xuseen Cali Warfaa Iyo Waliba Maareeyaha Guud Ee Cusbitaalka Magaalada Godey Mudane Wali Cilmi Shariif oo sheegay in si habsami leh ay u bilaabeen adeegii daawaynta iyo qaliinka ee ay xukuumada DDSI ufidisay shacabka uu dhibaatadu kahaysto araga indhuhu. Waxayna xuseen masuuliyiintu in adeegan ay fulinayaan kooxo wareega oo kasocda xafiiska caafimaadka DDSI kuwaasoo aqoon iyo cilmi dheeraad ah uleh adeegan ay bixinayaan. Waxayna tilmaameen in buklshada kudhaqan magaalada godey iyo nawaaxigeeda ee ay dhibaatadu kahaysato dhanka araga indhaha ay yimaadaan hospitaalka magaalada goday si loo  daaweeyo.

 

Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin adeegan qaaliga ku ah ee ay xukuumadu ufidisay islamarkaana ay sugayeen in uu soogaadho. Waxayna duco iyo mahadcelinba udireen dhamaan xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI.