Shirwaynihii 11aad Ee Wadatashiga Xukuumada DDSI Iyo Shacabwaynaha Oo Galay Maalintii 3aad

Raaso(Cakaaranews) Isniin 22ka January 2018. Waxaa maalintii 3aad galay shirwaynihii 11aad ee wadatashiga xukuumada  iyo shacabka DDSI iyadoo  maanta odayaal dhaqameedka  deegaanka iyo ergooyinkuba ay ka doodayeen sidii loo jabin lahaa nidaamka dhaqan is gumaysiga ee ka jira  soomaalida dhexdeeda.

Hadaba dood dheer kadib waxay odayaal dhaqameedka DDSI ee gobolada Dollo iyo Faafan ay cadeeyeen in beesha Hawle ee degta magaalada jigjiga ay dhalad ahaan yihiin qabiilka majeerteen gaar ahaan reer Maxamuud, Sidoo kale waxay odayaashu cadeeyeen in qabiilka Gabooye ee reer Wardheere uu yahay mareexaan ka yimid deegaanka wardheer sidaasna loogu bixiyay reer wardheere.

Ugu danbayn arrimahan iyo kuwo kale oo lagu xaqiijiyay shirwaynaha wadatashiga ayaan goor dhaw idiin soo gudbin doonaa isagoo daawasho ah.

Wararka kasoo kordha shirwaynaha wadatashiga 11aad kalasoco WWW.Cakaaranews.com