Wasiirka Xidhiidhka Arimaha Dawlada DDSI Oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay Luuqada Axmaariga ah ee Lagu Soo Daray ESTV.

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 22ka, January, 2018. Waxaa caawa markii 1aad ka baxay TVga caalamiga ah ee ESTV war iyo barnaamijyo ku baxaya luuqada axmaariga kuwaasi oo hadda waxii ka dambeeya si joogta ah iga bixidoona TVga ESTV.

Haddaba, waxaa uga warbixiyay warbaahinta deegaanka ahmiyada ay leedahay luuqada axmaariga ah ee lagu oo kordhiyay TVga caalamiga ah ee ESTV wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada DDSI mudane Idiris Ismaaciil Cabdi oo sharax dheerka bixiyay  doorka ay warbaahintu ku leedahay taaba galinta qorshayaasha horumarka deegaanka iyo dalka gaar ahaan kor u qaadista  dhinaca xidhiidhka qurba joogta aan ku sugnayn deegaanka wasiirka ayaa  ka warbixiyay geedi socodka ay xukuumada DDSI ku soo  horumarinaysay warbaahinta deegaanka isaga oo tilmaamay aas aaskii iyo bilowgii warbaahinta deegaanka iyo isbadalada marba marka ka dambaysa kor loogu soo qaadayay ilaa laga dhigay in ESTV la gaadhsiiyo in laga daawado caalamka oo dhan sidoo kalena dhawaan lagu soo kordhiyay warbaahinta deegaanka Idaacada SW ee deegaanka oo laga dhagayso caalamka oo dhan wuxuuna wasiirku ka warbixiyay kaalinta muga leh ee ay warbaahinta deegaanku ku leedahay hirgalinta qorshayaasha horumarineed nabadgalyo iyo waliba maalgashiga ay qurba joogtu ku maalgashanayso deegaankooda.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in xukuumada DDSI oo ka duulaysa kor u qaadista  warbaahinta deegaanka ay hadda ku soo dartay in luuqada afka axmaariga oo ah luuqada 1aad ee dalka lagu soo kordhiyo TVGA  ESTV kaasi oo ku bixidoona war iyo barnaamijyo wasiirka ayaa intaasi ku daray in ay   kaalin mug leh  ka qaadandoonto  luuqada axmaariga ah ee  lagu soo daray ESTV kor u qaadista iyo balaadhinta  warbaahinta deegaanka.