Shirwaynihii 11aad Ee Wadatashiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay

Raaso(Cakaaranews) Talaado 23ka January 2018. Waxaa degmada raaso ee gobolka afdheer lagusoo gabagabeeyay Shirwaynihii 11aad Ee Wadatashiga Xukuumada Iyo Shacabka DDSI oo maalmihii ugu danbeeyay ka socdey degmada raaso. Iyadoo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ay kasoo amba baxeen degmada raaso ee gobolka af dheer islamarkaana la filyo inay caawa u hoydaan magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele.