MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Ka Soo Baxay Godey.

Dhagaxbuur,(Cakaaranews),Arbaca, 24ka, January, 2018. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee ka qaybgalay shirwaynihii wadatashiga xukuumada iyo shcabwaynaha DDSI oo xalay u hoday magaalada goday ee xarunta gobolka shabeela ayaa waxay saaka kulan qiimayn ah oo diirada lagu saarayay fulinta qorshayaasha horumarineed kula  yeesheen magaalada Goday  dhamaan hogaaminta heerarkooda kala duwan ee deegaanka.

waftigan uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI ayaa ka dib markii uu dhamaaday kulankaasi qiimaynta ah waxay maanta galinkii dambe u soo kicitimeen dhinaca iyo magaalada qabridahar iyaga soo qaaday jidka dheer ee laamayga ah ee  isku xidha magaalooyinka waawayn ee deegaanka waftigan oo ku soo yar hadakay magaalada qabridahar ayaa waxay wakhti xaadirkan ka soo baxeen magaalada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar waxaana la filayaa  in ay caawo soo galaan caasimada deegaanka ee jigjiga.