Xubno Kamid Ah Shaqaalaha Maaliyadaha Degmooyinka Oo Tababar Loo Soo Xidhay

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 24ka January 2018. Tababar ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI iyo Kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI islamarkaana mudo 15 cisho ah  loo hayay xubno kamid ah shaqalaaha maaliyadaha degmooyinka deegaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, tababarka oo lagu tababarayay shaqalaha maaliyadaha degmooyinka gaar ahaan xubnaha xisaabaadka, iibka, qorshaynta iyo waliba dabagalaka ayaa waxaa xidhitaankiisii ugu horayn kahadlay Maareeye Kuxigeenka Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDSI Mudane Ismaaciil Maxamed  oo sheegay in tababarkan loohayay xubno laga sookala xulay shaqaalaha xafiiska maaliyadaha iyo horumarinta dhaqalaha ee degmooyinka deegaanka islamarkaana mudo 15 cisho ah lasiinayay casharo kor loogu qaadayo garaadkooda aqoomeed ee ku aadaan shaqadooda. Wuxuuna xusay in tababar qaatayaashu ay noqdaan kuwo ficil kumuujiya cilmigii ay barteen islamarkaana ugu shaqeeya bulshadooda si daacad ah.

Sidookale, Gadh-Wadeenka G/S Tababarada ee Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega shacabka DDSI Mudane Faarax Cabdulaahi Abshir oo isna kahadlay xidhitaankii tababarkan aya sheegay in shaqaalahan lasiiyay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda islamarkaana uu u rajaynayo in ay noqdaan kuwii sii gadhsiiyay degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanbayna, qaar kamid ah xubnihii tababarka qaatay ayaa sheegay in ay aad ugu farxsan yihiin tababarkan loo soo xidhay maanta. Waxayna tilmaameen in cilmi farabadan ay barteen mudadii ay ku jireen tababarka.