Ceel Biyoodyo Riig Ah Oo Laga Hirgaliyay Jaamacada Qabridahar

Qabridahar(cakaaranews)Khamiis, 25ka January 2018. Ceelal biyo macaan oo riig ah islamarkaana aad u biyo badan oo tiradoodu dhantahay 3 ceel biyood ayaa jaamacada qabridahar laga qoday. Iyadoo mashruucan qodista ceelashana ay qodistiisa iska kaashadeen wasaarada waxabaarshada JDFI iyo wakaalada qodista ceelasha dhaadheer ee DDSI islamarkaana wakhtiyar gudihii tijaabadoodii ugu horaysay lagu guulaystay.

Hadaba, Madaxwayne Kuxigeenka Jaamacada Qabridahar Mudane Cabdi Fataax Axmed Raabi oo sheegay in wakhtiyar gudihii sadex ceel oo riig ah laga hirgaliyay jaamacada islamarkana nasiib wanaag maanta lagu guulaystay tijaabadoodii ugu horaysay. Wuxuuna tilmaamay in ceelashan laqoday 53 miterr biyo badan oo macaana ay soo tuurayaan. Madaxwayne kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ceelashan biyahooda waxyaabo badan looga faaiidaysan doono oo xaata beeraha looga faaiidaysan doono islamarkaana qaar kamid ah xaafadaha qabridahar lasii gaadhsiin doono.

Sidookale, Agaasinka Xidhiidhka Dadwaynaha Ee Wakaalada Qodista Ceelasha Dhaadheer Mudane Mustafe Shariif Cali Iyo Waliba Saalax Cabdi oo kamid ah hawlwadeenadii fuliyay qodista ceelashan oo ka warbixiyay ceelashan  ayaa sheegay in ceelashani aad u biyo badanyihiin islamarkaana ay yihiin biyo macaan. Waxayna xuseen in ceelashani ay yihiin kuwo awood u leh islamarkaana halkii ilbidhiqsi soo tuuraya biyo dhan 31.42 liter.

Iskusoowada duuboo, jaamacada qabridahar ayaa kamid ah 11ka jaamacadood ee dhawaan lagu soo biiriyay jaamacadaha dalka. Taasoo wakhti xaadirkan si toosa uwada waxbarashadii ardaydiina ay kusooxarootay.