Tababar Ku Saabsan Anshaxa Iyo Milgaha Qaranka Oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 26ka January 2018. Waxaa la soo gabagabeeyay tababar ku saabsan  dargalinta guud ahaanba geedi socodka baris-barasho ee dugsiyada gaar  ahaan  anshaxa iyo milgaha qaranka oo uu  soo diyaariyay xafiiska waxbarashada DDSI.

Tababarkan oo socday muddo 5 maalmood ah islamarkaana loo qabtay maamulayaasha qaarka mid ah dugsiyada deegaanka ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka waxbarashada DDSI mudane ibraahin aadan mahad oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga  lahaa   tababarkan   isaga oo sharax dheer bixiyay dadaalka balaadhan ee loogu jiro ka midho dhalinta istaraatajiyadaha iyo siyaasada waxbarashada wasiirka   ayaa sheegay in tiro ka badan 1 millyan oo arday ah waxka bartaan dugsiyada deegaanka islamarkaana maamulayaasha, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda looga baahan yahay iskaashiga soo saarida arday ku gaashaaman anshax iyo aqoon wasiirka ayaa  ayaa tilmaamay in wasaarada waxbarashada heer faderaal ay samaysay daraasaad ku saabsan anshaxa iyo milgaha qaranka oo ah soo saarida arday leh anshax iyo aqoon  iyo sidii loo suurta galinlahaa wuxuuna ku  booriyay  wasiirku xubnihii qaatay tababarka in ay ka midho dhaliyaan ujeedooyinka laga lahaa tababarkan si loo gaadho natiijada.

 

Dhankooda qaarka mid ah xubnahan qaatay tababarka  oo la hadlay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay  in ay ka soo baxayaan islamarkaana xooga saarayaan sidii ay u soo saarilahaayaan arday leh anshax iyo aqoon si looga midho dhaliyo hayaanka geedi socodka tayaynta waxbarashada