Kulan Balaadhan Oo Ka Dhici Doona Minneapolis

Minneapolis (Cakaaranews) Sabti 27ka January 2018. Kulan balaadhan oo ay beesha gabooye ku taageerayso shirkii wadatashiga iyo wacyagalinta beesha gabooye iyo xukuumada ee ka dhacay magaalada jigjiga iyo shirwaynihii wadatashiga 11aad ee xukuumada iyo shacabwaynaha  DDSI ee ka qabsoomay degmada  raaso iyo waliba go’aamadii kasoo baxay ayaa maalinta Axada ah ee inagusoo aadan oo ku beegan 28ka January  ka dhici doona magaalada minneapolis. Iyada oo ay kasoo qaybgali doonaan faanaaniinta caanka ah ee DDSI.

Hadaba waxay hogaaminta, odyaal dhaqameedka deegaanka iyo kuwa beesha gabooye ugu baaqayaan dhamaan waxkagaradka, aqoonyahanka, Dhalinyarada iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan waqooyiga america inay kasoo qaybgalaan kulankaas.oo ka qabsoomi doona magaalada Minneapolis maalinta axada ah goobtuna waa MARRIOT HOTEL. 2020 America Blvd E Bloomington, MN 55425: Wakhtiga: 01/28/2018. Sunday 5:00 pm.